|
|
Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya Sheekh Shariif
Sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa shalay galinkii dambe soo
gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wafdiga Sheekh Shariif ayaa
waxaa ka mid ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Golaha
dhexe iyo xubno kale oo aad u farabadan.
Dadweyne aad u farabadan iyo Siyaasiyiin ayaa wafdiga si weyn ugu
soo dhaweeyay Magaalada Nairobi iyaga oona qabtay xaflad
Mas'uuliyiintaasi lagu soo dhaweyanay.Gudoomiyaha Golaha Fulinta
Isbahaysiga dib u xoreynta oo Munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay
in ay si weyn uga xunyihiin dhibatooyinka dagaal ee wali ka soo
socanaya dalka Soomaaliya isla markaana waxyeeladu ay ka soo
gaarayso dadka Rayidka ah.Sheekh ayaa ku nuux nuuxsaday in dad badan
ka barakaceen guryahooda isla markaana nolol xun ku haysato gudaha
dalka halka qaar kalena amaan dari ku haysato deeganada ay ka dagan
yihiin Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka
Soomaaliya.Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in taasi
xalkeeda uu yahay in nabada la raadiyo si buu yiri u bad baado
nolosha Kumanaan ruux oo iminka ku sugan Gudaha dalka isaga ka
codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan nabada ay
wadaan.Si kastaba Hadalka ka soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa imaanaya xili dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ku sii
xoogeysanayaan dagaalada ka dhacaya kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada
Dowlada,Kuwa Ethiopia iyo Xoogaga Hubeysan ee ka soo horjeeda
Xigasho
Dowlada KMG
Soomaaliya iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta ayaa Xalay Heshiis dhowr
Qodob ka kooban Ku saxiixay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti
iyagoo halkaas ka soo jeediyay baaq iyo mahad celin.
Dowlada KMG iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta Waxaa ay dalka Jabuuti ku
yeesheen Shir ay goob joog ka aheyd QM Beesha Caalamka Ganacsato
ururada Bulshada Rayidka si ay u kormeeraan.
In la sameeyo labo guddi oo ka wada hadli kara arimaha ay wada
gaareen dowlada iyo isbeheeysiga gaar ahaan heshiikii Jabuuti.
In la sii wado wadaxaajoodka u dhexeeya labada dhinac lagana fogaado
warsaxaafadeedyo sii fogeyn kara dhibaatada taagan iyo in la sameeyo
gudiyo sii anba qaada arimaha lagu soo gabagabeeynayo.
In la taageero heeshiisyada ay dhinacyada Soomaalida ku yeelanayaan
gudaha dalka iyo dibadiisa si loo dhameeyo mishaakilka dalka ka
aloosan, iyo in Beesha Caalamka ay gacan ka geeysato hirgalintii
heshiikii Jabuuti.
In si wada jir ah loo canbaareeyo falalka dilalka ah ee aan kala
sooca leheyn,afduubka,kufsiga,madaafiicda lagu garaacayo
magaalooyinka iyo Burcad Badeedanimada.
In si gaar ah loo eego xaalada Bini’aadanimo ee dalka ka jirta iyo
sidii loo cawin lahaa dadka ay dhibaatada dalka ku heyso.
In la daraaseeyo xaalada Wadanka ka jita sida Siyaasada Ammaanka iyo
Nolosha.
Baaq.
In Beesha Caalamka ay ill gaar ah ku eegto isla markaana ay gargaar
u fidiso dadka ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya iyo in la furo
wadooyinka iyo sidii gargaar ay hay’adaha samafalka u gaarsiin
lahaayeen dadka u baahan.
In Beesha Caalamka ay ku dadaasho oo ay ku deg degto sidii dalka
Soomaaliya loo keeni lahaa Ciidamo ka socda QM si ay u badalaan
Ciidamada Ethiopia.
Mahadnaqa.
Labada Dhica waxaa ay uga mahad celinayaan shacabka iyo Dowlada
Jabuuti sida ay hiil iyo hooba u garab istaagtay intii uu socday
shirkii ay isugu yimaadeen Dowlada iyo Isbeyheesiga Dib u xoreeynta.
Ugu danbeyntii waxaa ay labada dhica sheegeen in ay ka go’antahay in
ay beesha caalamka kala hadlaan sidii loo sii anba qaadi lahaa
heshiiskaasi iyo sidii ganac looga geysan lahaa hirgalinta
Heshiiskaasi ay wada gaareen labada dhinac.
Heshiiskaasi waxaa labada dhinac u wada saxiixay Dhanka dowlada KMG
Soomaaliya Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dowlada KMG Axmed C/salaam
Xaaji Aadan dhanka Isbeheysigana waxaa u saxiixay C/raxmaan
C/Shakuur warsame Waxaana munaasibada Heshiikaasi goobjoog ka ahaa
Cumar Xaashi Aadan oo ka socaday Dhanka isbeheysiga iyo Max’ed
Max’uud Xeyd oo dhanka Dowlada ka socday.
Warsheekh Official News Resources
BARAAMIIL SUN WATA OO LAGU ARKAY XEEBAHA WARSHIIKH
DHOWR
BARMIIL OO MIRIRSAN AYAA LAGU ARKAY XEEBAHA MAGAALADDA WARSHIIKH KA
DIB MARKII AY BADDA KA SOO CAARIYEEN.MAAMULKA DEGAANKA DEGMADDA
WARSHIIKH IYO DADWAYNAHA KU NOOL AYAA BERYAHANBA KA WARAMAYAY XANUUN
CUSUB OO SOO FOODSAARAY DEGAANKAAN KA DIB MARKII AY U DHINTEEN ILAA
SEDEX QOFOOD XANUNKAAS AAN LA GARANAYNIN.SIDOO KALE WAXAA LA ARKAY
KALUUN TIRA BADAN OO KU DHINTAY XEEBAHA DEGMADDA WARSHIIKH SIDA UU
SOO SHEEGAY MID KA MID AH DHAQAATIIRTA MAGAALADDA WARHSIIKH KAASOO
ILAA IYO HADDA LA GARAYNIN WAXA SABABAY.WARARKA
LA IS DHEX MARAYAY LAAKIIN AAN LA CADAYN AYAA SHEEGAYAY IN
DHIBAATADANI AY SALKA KU HAYSO SUNTA AY MARAAKIBTA SHISHEEYA KU SOO
ROGAYAAN XEEBAHA SOMAALIYA IYAGOO WALIBA AY JIRAAN HOGAAMIYAAL
SOOMALIYEED OO HUBAYSAN OO QARASH KA QAATA MARAAKIIBTAAS SI AY UGU
SOO DAADIYEEN HARAAGA KIMIKADDA SUNTA AY EE AY WARSHADAHA WADAMADA
REER GALBEEDKA AH SOO SAARAAN.
_____________________________________________________________________________________________ |
Beesha
Mudulood oo maanta beelaha degan Gobolka Banaadir ugu baaqaday inay
taageeraan Maamulka Cusub ee G/Banaadir, Lana Shaqeeyaan Gudoomiyaha
Gobolka Banaadir ee Cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho. ::
(121 Reads)
Posted by
webmaster on Thursday, April 14, 2005 - 08:41 AM
Kulan
balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Wax garadka Gobolka Banaadir ayna ka
soo qayb galeen marti sharaf kala duwan ayaa maanta lagu qabtay Hotelka
Globalee Waqooyiga Magaalda Muqdisho, Iyadoo xafladaan lagu taageerayay
Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
Mudane Maxamuud Xasan Cali Cade.
Fadhigan oo lagu taageerayay Magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahna Duqa Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Caaqil Maxamuud
Cali Jimcaale (Koogaar), Drs Mino Xasan Shibis, Maxamuud Kulane Axmed
iyo dad kale oo badan.
Odayaasha Beesha Mudulood ayaa waxay ugu baaqeen beelaha kale ee degan
Xamar inay taageeran Maxamuud Xasan Cali maadaama bay yiraahdeen uu si
xaq ah xilkaasi looga magacabay,isla markaana beelaha degan Muqdisho
laga dalbaday inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub.
Wax garadka iyo Odayaasha Beesha Mudulood ayaa horay u soo dhaweeyay
magacaabida Masuulkaan, uguna baaqay Hogaamiya Kooxeedyada Muqdisho in
aysan iska indha tirin Barnaamijyada Xukuumada DFKG., iyagoo dhamaan ka
soo horjeestay dhaq dhaqaaqa ay wadaan Xildhibaanada iyo Wasiirada ku
sugan Magaalada Muqdisho.
Dhinac kale maalinta berito ayaa lagu wadaa in Xafladd weyn loo sameeyo
Guddoomiyaha Maamulka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho,iyadoo Qado
sharaftaas lagu marti qaaday siyaasiyin caan ku ah magaalada Muqdisho.
Idamaale News
___________________________________________________________________________________
Maxamed
Qanyare iyo Caato oo ka hor yimid magaacabida Taliyaha Cidanka Xooga
Dalka Soomaaliyeed, Iyagoo ku tilmaamay Raysal wasaare Geedi nin iska
hadlay. ::
(235 Reads)
Posted by on Wednesday, April 13, 2005 -
04:09 AM
Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare Afrax ayaa ku tilmaamay Xilaalkii
uu shalay Magaacabay Geedi mid aan waxba ka jirin oo uusana aqoonsanayin,
ee ay tahay hadal nin iska yiri. Maxamed Qanyare oo saaka la hadlayay
saaxafada ayaa ka soo hor jeestay Magaacabidii la magaacabay taliyaha
ciidanka xooga dalka iyo ku xigeenadiisa.
dhinaca kale Wasiirka amniga Maxamed Qanyare Afrax oo xaley wareysi
siiyey iddaacada HornAfrik saacado ka dib markii ay soo baxeen
magacaabista xilal ay ka mid yihiin abaanduulaha ciidanka xooga dalka
Soomaaliyeed.
Xeer ilaaliyaha guud iyo aggaasimaha guud ee bangiga, ayaa sheegay in
dhamaan wixii la magacaabey shaley aysan aheyn kuwo sharci ku dhisan.
isagoo si gaar ah u qeexay magacaabista abaanduulaha ciidanka xooga
dalka Gen. Naaji oo uu ku tilmaamey mid aan munaasib aheyn, waayo ayuu
yiri waxa uu ka mid yahay xildhibaanada baarlamaanka, waana mid u baahan
magacaabista abaan duulaha ciidanka wada tashi.
Dhinaca kale warar aanu ka helay ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay
sheegayaan in Xubnahan Wasiirada ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay
wadaan abaabul Ciidan oo ka dhan DFKG kaasoo u jeedadiisu ay tahay in
aysan Dowladu soo dagin Magaalada Baydhabo iyo Jowharba.
Idamaale News
___________________________________________________________________________________
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi yuusuf oo digniin u soo jeediyay
Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, in
uu kala Diri doono hadaanay ka soo bixin Howsha qaranka ee hortaal,
aysana joojin qaska iyo Nidaam darida. ::
(242 Reads)
Posted by
webmaster on Wednesday, April 13, 2005 - 06:45 AM
Wargeyska Al-Khaliij ee ka soo baxa dalka Emaaraatka ayaa sheegay
in madaxweynaha Soomaaliya uu ku wargeliyay qaar ka mid ah xubnaha
Baarlamaanka iyo wasiirada ee ku sugan Magaalooyinka Nairobi Muqdishoin
dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen waxa ka dhex jira gudaha
xukuumadda.
isagoo sheegay in la gaaray waqtigii fursadda la siin lahaa in la doodo
oo la xaliyo wixii is afgaran waa ee muuqda si aaney dhibaato u dhicin.
Waxa uu sheegay in aanu caqli gal aheyn in xubnaha labada gole ay isaga
damaashaadaan Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo aanu laga
fikireyn danta shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto soo celinta amaanka
si ay ugu nooloodaan nolol wanaagsan waa sida uu hadalka u dhigaye
madaxweyne C/llaahi Yuusuf ,
Waxaa uuna xusay in dhowaan dowladiisa ay saldhigan doonto gudaha dalka
Soomaaliya ,isagoo sheegay in dalalka Masar ,Liibiya iyo dowladaha
midowga reer Yurub ay diyaar u yihiin in ay dhaqaale ku taageeraan
dowladiisa ,balse ay shuruud kaga dhigeen in dowladiisa ay dalka caga
dhigato.
Idamaale News
___________________________________________________________________________________
Taliyaha Ciidamada
xooga, Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka iyo
Agaasimaha Maaliyadda oo la Magacabay
Ra’iisul
wasaare Prof. Cali Mx’ed Geedi ayaa maanta u magacaabay Jen:
Ismaaciil Qaasin Naaji inuu noqdo Taliyaha Ciidamada
Xooga DalkaSoomaaliyeed, halka C/llaahi Daahir Barre
loo magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada,
iyadoo Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexena loo
magacaabay Bashiir Ciise Cali kadib kulan ay maanta
yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan mag. Nairobi.
Kulankaasi
oo socaday muddo shan saacadood ah ayaa looga hadlayey magacaabista
xubnahaasi oo la sheegay inay ahayd talo soo jeedinta wasiirada difaaaca,
maaliyada iyo garsoorka, waxaa sidoo kale xubnaha golaha wasiiradu isku
raaceen dhismaha guddiga dastuurka iyo federaalka kuwaasoo kala ah:
Avv.
Sh. Cismaan Cumar Axmed, Max’ed Nuur Jileey, Max’ed Isaaq Ibraahin,
Tahliil Xuseen Geed, Max’ed Buraale Ismaaciil. Muqtaar Cabdi Dhuubow.
Avv. Ilyaas Max’uud Maalin. Max’ed Siyaad Naaleeye, Sh. Ibraahin Sh.
Axmed iyo Ismaaciil Nuur Axmed, gudigan ayaa waxa ka dhiman
xubnihii dirta waqooyi uga mid noqon lahaa iyadoo laga sugayo inay
dhawaan soo magacabaan.
dhamaadkii
kulankaasi ayaa ra’iisul wasaare geedi uu sheegay in kaabayaasha
gudiyada dhiman iyo kaabayaasha dhaqaalaha , xoghayayaasha guud,
taliyaha ciidanka booliska , hanti dhawraha guud, garyaqaanka guud
intaba la magacaabi doono maalinta sabtida ah marka kulan ay yeeshaan
golaha wasiirada.
Waxaa qortay
Midnomo |
Ra’iisal
Wasaare Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay magacaabistii Maxamed
Qanyare Afrax ee Taliyayaasha Booliska iyo Waaxda Socdaalka
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed
Geedi ayaa daboolka ka qaaday in ey sharci darro tahay magacaabistii
Taliyayaasha Booliska Soomaaliyeed iyo Waaxda Socdaalka ee uu sameeyay
Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Md. Maxamed Qanyare Afrax.
Ra’iisal Wasaaruhu waxaa ow sheegay
in owsan Maxamed Qanyare Dikreeto ku magacaabi karin saraakiil dowladeed,
balse uu leeyahay kaliya soo jeedin, woxowna caddeeyay in ow usuga markaas
kadib ku dhawaaqi karo magacaabista.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu waxaa
ow ka hadlay magacaabistii ow sameeyay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo
Duqa Magaalada Muqdisho oo ow ku wada magacaabay Md. Maxamuud Xasan Cali
Gaabow (Cadde), waxowna magacaabistiisaas ku tilmaamay mid sharci ah oo la
tashi ku saleysneyd.
Prof. Geedi oo ku sugan dalka
Liibiya ayaa intaas ku daray in ay Xukuumaddiisa ku jiraan xubno faro ku
tiris ah oo fowdo u joog ah, kuwaasoo aan rabin in ay shacabka Soomaaliyeed
dowlad helaan, isla markaana ay dhibaatada ka baxaan, hayeeshee waxaa uu
carrabka ku dhuftay in aysan xubnahaasi hirgashan doonin doonistooda ah in
dalka iyo dadku ay ku dhibaatada ku sii jiraan.
Waxaa uu sheegay Prof. Geedi in
howlihii ay u joogeen dalka Liibiya ay u soo dhamaadeen, isla markaana ay
dhowaan ku soo noqonayaan Nairobi, iyadoo kadibna ay dowladda u guuri doonto
Soomaaliya, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu ka baqayo in uu
Muqdisho yimaado, wuxuuna caddeeyay in Muqdisho uu ku dhashay, una dhashay,
isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta in uu yimaado.
SIYAASIYIIN, WAXGARAD, ODAYAAL DHAQAMEEDYO IYO
GANACSATO KU SUGAN MUQDISHO OO TAAGEERAY DOWLADDA FEDERAALKA
SOOMAALIYA [Caaqil Koogaar: "Nabadeynta Muqdisho ee hoggaamiye
kooxeedyada waaba iyaga kuwa ay isbaarada u taalo"
Somaliweyn.com
( Muqdisho 7 Abriil 2005)Shir ballaaran oo ay ka soo qeyb
galeen siyaasiyiin, Waxgarad, odayaal dhaqameedyo iyo
Ganacsato ayaa maanta ka dhacay guriga Caaqil Maxamuud Cali
Jimcaale [Koogaar] oo ku yaala xaafadda Yaaqshiid ee magaalada
Muqdisho, shirkaasi oo looga hadlayay xaaladihii ugu dambeeyay
ee ka jira magaalada Muqdisho.Xubnaha shirka ka qeyb galay
ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay taageeraan
Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna dhinaca kale
sheegeen in shacabka Soomaaliyeed uusan xilligan u baahneyn
dagaal, waxayna ugu dambeyntii soo saareen baaq ay qodobadiisa
ka mid yihiin:
1. Inay ka soo
horjeedaan maamul u sameynta Gobolka Banaadir, waxayna
sheegeen in maamul u sameynta Gobolka ay mas'uuliyadiisa
qaadeyso oo kaliya Dowladda FKMG ah.
2. In Dowladdu
ku sii negaato meel kale inta magaalada Muqdisho laga
nabadeynayo.
3. In labada
Gole uu mid kasta howshiisa wato oo aanay is faragelin.
4. In
hoggaamiye kooxeedyada aysan Muqdisho nabad ka dhalin karin,
maadaama 14-kii sano ee la soo dhaafay ay wax qaban kari
waayeen.
Waxayna
xubnahaasi sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin lana
shaqeynayaan Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Xubnihii
halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Caaqil Maxamuud Cali
Jimcaale (Koogaar) oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka
shaqeeyaan nabadda dalka, isagoo hadalkiisa sii raaciyay, "Nabadeynta
Muqdisho ee hoggaamiye kooxeedyada waaba iyaga kuwa ay
isbaarada u taalo", xubnihii shirkaas ka qeyb galay waxaa ka
mid ahaa: Axmed Baasto oo ka socday SNA-da Xuseen Ceydiid,
Cali Aybakar Shadoor, Prof. Tolbeerte iyo xubno oo fara badan.
Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho
|
|
|
|