Calanka Soomaaliya

Your Banner

Subaca maanta dhagayso subac   

                        Inta Subac ka dhegeyso

Google search engine in Somali Kusoo Dhawaada Wararka Aduunka            News @ Google News

BBC Somali 

 |About cadale| | Contact us | Add your site  |  Forum (dooda) | Editor |

     Inta ka dhegeyso guurow

  11:00 AM
14:00 AM
18:00 PM

Somali  links

A

Amiin Caamir

B

Bakaaraha  

Balcad

BoqolsooN

C

Ceeldhee

CadaleMap

D

Daalonet

Dalka-Online

Dayniile

Djibouti Net

Duruus 

F

FIFFA WORLCUP

H

Harardhere

Hiiraan

I

Idamaale

L

La Repubblica.it

M

Midnimo.com

Q

qaadisiya.com

R

Radio Benadir

Rai

Reuters Tv

S

Shabelle.net
Spor

W

Wararka Cadale

Y

Yaaqshid


 


 

 

 

 

 

 



Magacaabid Guddi

War kasoo baxay madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya aa sheegay in Mudane Cali Mahdi Maxamad oo eh siyaasi aad looga tixgeliyo Dalka Soomaaliya ahaayna Madaxweynahii ugu horeeyay ee ladoortay kedib markii lariday xukunkii Maxamad Siyaad Barre in loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Dib uheshiisiinta dadka soomaaliyeed usugoo guddoomindoono guddi shan ximnood ka koobmo kuwasoo kala ah:

1-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Cab/maan Guulwade)

2-Ganacsade Maxamuud Jirde Xuseen

3-Axmad Sheekh Mukhtaar

4-Maxamuud Shire Nuur

5-Faarax Waceys Dhuule.

Dukumintiga lagu magacaabay Mudane Cali Mahdi Maxamed iyo Shanta xubnood ayaa waxaa lagu magacaabay guddi xoghayaal ah oo ka mas’uul noqon doona shan qeybood oo ay u qeybsan tahay howlaha shirka dib u heshiisiinta qaranka.

 

Diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ayaa markii u horeysay lagu arkay qeybo ka tiran Magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradahaas ay yihiin Helicoptero.

Qeybo ka tirsan Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay diyaaradahaas oo midibkooda lagu sheegay in cagaar tuuteysan

Mana cada in ay diyaaradahan ay qeyb ka yihiin kuwo ka qeyb qaadanaya howl gallada ballaaran ee ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.

Sida ay ku warameen dad ku sugan Xaafadaha Madiina ayaa waxa ay sheegeen in Diyaaradaha qumaatiga u kaca ay saaka oo dhan ay dul heeheebayeen xaafadaha Madiina, iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo kaceen.

Waxaa muuqaneysa in howl galadii dowladdu sheegtay in ay ka bilaabeyso caasimada in la guda galay, waxaana jirta in inta badan wadooyinka magaalada la dhigay ciidamo fara badan.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay oo Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca lagu arko gudaha Magaalada Muqdisho, waxeyna ku soo beegmeysaa, xilli caasimada uu soo gaaray Madaxweynaha soomaaliya.



Nabadgelyo xumida ka taagan Muqdisho oo ka sii dareysa iyo weeraradii lala beegsanayey saldhigyada booliska oo xalay halkooda ka sii socday

Ka dib markii weeraro abaabulan ay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay la beegsadeen 48-kii saac ee la soo dhaafay qaar ka tirsan saldhigyada booliska ee magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir waxaa la soo gudboonaaday xaalad welwel iyo cabsi leh oo la xiriirta nabadgelyada maalinba maalinta faraha ka sii baxeysa.

Fiidnimadii xalay wixii ka dambeeyey 8:00 caweysnimo ayaa la arkayey dadweynaha oo u kala cararaya guryahooda, iyadoo goobaha ganacsiga iyo biibitooyinka laga cunteeyo ee hareeraha waddooyinka ku yaalana oo qaarkood furnaan jiray ilaa 12:00 saqda dhexe ay xalay bilaabeen in iney si dhaqso leh u xiraan goobahooda ganacsi, waxaana jir baqdin laga qabo kooxo burcad ah oo ka faa'iideysanaya xaalada ammaan xumi ee magaalada Muqdisho ka taagan iney dhac u geystaan, waxaana gabaabsi noqday basaska la raaco wixii ka dambeeyey 7:00 fiidnimo ee xalay, iyadoo xaafadaha qaarkood ay ka dilaaceen kooxo tuugo ah oo ku hubeysan bastoolado iyo tooreeyo, kuwaasoo dadka guryahooda ku sii jeeda ka qaadanaya waxyaabaha ay sitaan sida mobileda iyo lacagaha yar yar ee ay jeebabka ku wataan.

Dhinaca kale Saldhiga booliska ee degmada Yaaqshiid ayaa xalay noqday saldhigii 3-aad ee ay beegsadan kooxaha wax weeraraya, ka dib markii dhabarka dambe ee saldhigaasi ay ku tuureen Bam gacmeed aan wax dhimasho iyo dhaawac ah geysan, marka laga reebo burbur lixaad leh oo soo gaaray qeybo ka mid ah saldhiga oo bamkaasi uu asiibay, iyadoo markii bamka lagu tuurayey saldhigana ay ku sugnaayeen ciidamo tiradoodu ay aad u yar tahay oo ka tirsan kuwa booliska dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana markii uu qaraxaasi dhacay ka dib ay ciidamada Boolisku bilaabeen iney xiraan wadooyinka soo hala saldhigaasi, waxaana deegaankaasi uu isu bedelay meel cabsi aad fara badan ay ka jirtay.

Weerarkan xalay lagu qaaday saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ee magaalaada Muqdisho ayaa sida muuqata waxaa uu daba joogaa weeraro habeen hore kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ay ku qaadeen saldhigyada booliska ee degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley kuwaasoo geystay dhaawaca ilaa 4 qofood oo 3 ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah halka ka kalena uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, waxaana weerarka xalay uu dhacay saacado uun ka dib markii askari ka tirsan ciidamada Booliska uu ku geeriyooday iska horimaad ba'an oo duhurnimadii shalay ku dhexmaray deegaanka Ex-koontrool Balcad ciidamo ka tirsan booliska dowladda federaalka iyo maleeshiyooyin hubeysan oo aan la garaneynin waxa ay yihiin.

Ciidamada booliska dowladda federaalka oo markii horeba ay ka muuqatay taagdari aad u fara badan ayaa haatan u muuqda iney bartilmaameed u noqdeen kooxaha wax weeraraya, iyadoo halkii looga fadhiyey in nabadgelyada caasimada wax ka qabtaana lafahooda u baqaya, ma jiraan ilaa hadda talaabooyin wax looga qabanayo amaanka sii xumaanaya ee magaalada Muqdisho oo dowlada federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay, hase ahaatee mar afhayeenka dowladda C/raxmaan Diinaari uu ka hadlayey arintan ayuu ku eedeeyey weerarada loo geysanayo ciidamada booliska iney ka dambeeyaan maleeshiyaad ka tirsan maxkamadaha islaamiga ah ee looga adkaaday dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada federaalka dabayaaqadii sanadkii hore.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Muqdisho-Soomaaliya
cabdishakuur48@hotmail.com

 

Maamulka Muqdisho oo wacad ku maray in ay wax ka qabanayaan amaanka

Mogadishu 29, Jan.07 ( Sh.M.Network)
K/xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Shaaweey ayaa shaaca ka qaaday in ay si deg deg ah waxa uga qabanayaan amaanka magaalada Muqdisho.

Iyadoo maalmihii la sood haafay qaraxyo iyo weeraro lala beegsanayay xarumaha ciidamada booliska dowladda SOmalia ay ka soconayeen magaalada Muqdisho ayaa K/xigeenka Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Shaaweey waxa uu wacad ku maray in ay si deg deg ah wax uga qabanayaan kooxaha caadeystay qalqal galinta caasimadda SOmalia.

Waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in ay ka hortagaan kooxaha shaqaaqada iyo weerarada ka wada magaalada Muqdisho.

Hadalka Shaaweey ayaa ku soo beegmay xilli shalay iska horimaad uu ku dhex maray wadad Ex Ctrl Balcad ciidamada booliska iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, iyadoo iska horimaadkaasi uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada booliska, waxaana sidoo kale xalay qarax bam lagu weeraray saldhigga degmada Yaaqshiid

Shabelle Media Network Somalia

 

Shir madaxeedka midowga Afrika ee maanta ka fumaraya Addis Ababa-Itoobiya

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda ee maanta in magaalaada Addis ababa ee dalka Itoobiya uu si rasmi ah uga furmo Shir madaxeedkii wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika oo sanadkan ay ka qeyb galayaan madaxweyneyaal Afrikaan ah oo tirdaoodu ay kor u dhaafeyso ilaa 40, iyadoo ajendayaasha ugu waaweyn ee shirkan hor yaalana ay ka mid yihiin xaalada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa ciidamo ka socda wadamada Afrika qaarkood oo howlo nabad ilaalin ah ka bilaaba Soomaaliya, xaalada murugsan ee gobolka Daarfoor ee dalka Suudaan iyo arimo kale.

Shirkan oo laga cabsi qabo inu hareeyo muran iyo qabsi qabsi badan oo la xiriira cida sanadkan qabaneysa guddoomiyenimada midowga Afrika, kaasoo u dhexeeya dalka Suudaan oo ku andacooneysa in iyada ay xaq u leedahay bacdamaa sanadkii hore la dhaafiyey ka dib cadaadis caalami ah oo ku yimid arinta Daarfoor awgeed iyo dalka Chad iyo mucaaradka Suudaan kaga furan gobolka Daarfoor oo iyana ka soo wada horjeeda in Suudaan ayu qabato xilkaasi, iyagoo ku cambaareynaya gabood fal iyo xasuuq ay ku eedeeyeen in Suudaan ay geysatay gobolka Daarfoor oo sidaa darteedna aaney u qalmin iney xilkaas hanato.

Kulan madaxeedkan oo Soomaaliya uu u metelayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo kulankaasi, taasoo uu kaga codsan doono wadamada ku jira midowga Afrika iney soo dedejiyaan ciidamadana ugu tabarucaan dalka Soomaaliya si ay u bedelaan kuwa Itoobiya oo haatanba bilaabay iney ka baxaan Soomaaliya.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Muqdisho-Soomaaliya


 

 

 



 

 

 

TAHNIYO
Fikradaha
Maqaaladaha
SHEEKO GAABAN
Tacsi

Cadale online - All rights reserved                            

You're visitor number