|
Wararka Abaaraha
Wararka naga
soo gaaraayo degmada Cadale aa sheegaayo iney dhibaato weyn ku heyso
deegaankaas abaar xoog leh oo mahaas ka jirto dadkuna ey biyo laŕan iyo
cunto xumibo ey meeshaas ku heyso. dadku waxey si deg deg ah ugu
baahanyihiin gurmad xoog leh oo lagu badbaadiyo dadka iyo
xoolahaba.Waxaa sidaas oo kale Degmada Warshiikh iyadana laga soo
sheegaa iney jirto abaar xun oo iyadana dhibaato ku heyso dadka iyo
duunyada degaankaas ku nool. Sidaas daraadeed maamulka labada Degmo
waxow dadka Soomaaliada ah ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibbadiisaba
iney wixii gargaar ah oy helikaraan lasoo gaaraan walaalahood waxaa
sidoo kale gargaar deg deg ah laga codsahaa hayadaha caalamka ee wax
gargaaro iney dadkaas gargaar baniaadamnimo la soo gaaraan dadka iyo
duunyada ku nool deegaankaas.
Meydad iyo alaabo laga helay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe
March 30, 2005 Radio Free Somalia
wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe
ayaa waxa ay sheegayaan in baddu ay soo tuftey meydad iyo alaabooyin ay
ku jiraan alwaaxyo iyo Filintijeero kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay
yihiin dadkii ku dhintey iyo guryahii ku bur buray badgariirkii Tsunami
ee dhacay dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay.
Muxudiin Xilif oo ka tirsan degmada Cadale e gobolka
Sh/dhexe oo u waramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in alaabahaasi
iyo meydadkaasi ay ku soo caariyeen xeebta cadale, isagoo sheegay sidoo
kale sheegay in ay dadku ahaayeen lafo lafo.
Xilif waxa uu ku tilmaamay alaabaha la helay in ay
ahaayeen dhalooyinka TV ga iyo alwaaxyada bur burey ee gurayaha, isagoo
sheegay in dadka meydadka ah ee la helay ay gaarayaan ilaa 5 qof.
ma ahan markii ugu horeesay ee alaab ceenkaan oo kale
ah la helo iyadoo xeebta Marka ee gobolka Sh/hoose laga helay alaabo
isugu jire alwaax iyo Filintijeero. |