UNUKOO AH REER GEEDDOW CADDAAWE
IYO ILMAHOODA WAXAAN TACSI U
DIREYNAA GUUD AHAAN REER XAAJI
JIMCAALE KULMIYE GAAR AHAAN
CISMAAN HAAJI JIMCAALE IYO
EHELEDII OW KA GEERIYOODAY
MARXUUM CUMAR XAAJI JIMCAALE
KULMIYE OO DHAWAAN KU
GEERIYOODAY DALKA JARMALKA
WAXAANA MARXUUMKA ILAAHEY UGA
TUUGEYNAA INOW JANNADA FIRDOWSA
KA WARAABIYO ,EHELADII OW KA
TEGAYNA SABAR IYO IIMAAN KA
SIIYO.AAAMMMIIIN
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN
WAXAA DHOWAAN KU GEERIODAY
WADANKA JARMALKA ALLAHA U
NAXARIISTEE MARXUUM CUMAR XAAJI
JIMCAALE KULMIYE OO AHAA RUUX
AAD LOOGA YIQIIN DEGAANKA
XAMAR.WAXAAN ILAAHEY UGA
TUUGEYNAA INOW JANADII FIRDOWSA
KA WARAABIYO EHELEDIISA SABAR
IYO IIMAAN KA SIIYO AAMIIN.
WAXAA INTA KU
SOO QOREYNAA TAARIIKHDII
NOLOLEEDKII MARXUUMKA OO KOOBAN:
MARXUUM CUMAR
XAJI JIMCAALE.
WAXUU KU DHASHAY MAGALADA
MOQDISHO 1949.
WAXUU DUGSI QURAANKA KA GALAY
XAFADA WARDHIIGLEY,
WAXBARASHADIISI DUGSIGA HOOSE KU
SOO DHAMEESTAY KOLEJADA BAIDHABA
1965, KA DIBNA WAXUU DUGSIGA
DHEXE KA DHIGTAY DUGSIGA
COMERCIALE 1965-1968,
DUGSIGIISII SARA WAXUU KA SOO
KALA DHIGTA DUGSGII SARE EE
RAAGE UGAAS IYO DUGSIGII SARE
SHEKH XASSAN BARSANE 1968-1972.
KA DIBNA WAXUU KA MIDNOQDAY
ARDADII JAMACADDA LAFOOLE 1972
WAXUUNA KASOO QALIN JABIYAY
SANNADKII 1976. PORFASOR CUMAR
ALAHA U NAXARIISTE WAUU MACALIN
KA NOQDAY DUGSIGII SARE 15 MAY
WAXUUNA AHAA MACALIN CAAN KU AH
MAADADA BIOLOGIA. WAXUUNA HALKAA
KA SHAQEEYAY DHOOR IYO TOBANSANO
AH. WAXUUNA AHAA PORF. CUMAR
MACALIN WISAARADA WAXBARASHADA
LAGA JECLAA, WAXAANA LOO
DALACSIIYAY MAAMULAHA DUGSIGA
SARE EE XAMAR WAXUNA
KASHAQEEYAYA DHOOR SANO.
CUMAR ALAHA U NAXARIISTEE WAXUU
AHAA NIN SPORTIGA AAD U JECEL
WAXUU KAMID NOQDAY CIYAARTOYDII
SERIA 'A' WAXUU U SAFTAY KOOXDII
IFTIN 1972 IYO KOOXDII BATROOLKA
KUBADDA CAGTA .
MARXUUMKA WAXUU AHAA GARSOORE
CAALAMI EE CIYAARAHA FUDUD.
WAXUUNA KA NOQDAY GARSOORE
CIYAARO LAGU QABTAY LIBIA
,CIRAAQ IYO WADAMO KALE
SANADADII SIDEETAMAATKII WAXUU
KA NOQDAY GUDOOMIYE KU XIGEEN
XIRIIRKA CIYAARA FUDUD.
WAX UU WADANKA KA SOO DHOOFAY
1988di ISAGA OO KU NOOLAA
JARMALKA HALKAAS AYUU NA KU
GEERIYOODAY '' INAA LILLAHI
WAINAA ILEYHI RAAJICUUNA''
MARXUUMKA WAXAAN EEBE U GA
BARYEEYNAA IN QABRIGIISA KU
QABOOJIYO JANADIINA FIRDOOSANA
EEBE KA WARAABIYO.
inaalilaahi
waianaailayhi raajicuun
anagoo kala ah reer axmed
calasow cariif iyo reer shiiq
abdi shable dhamaantaan waxaan u
tacsiyeyneynaa aabo maxamed
cabdule farey iyo hooyo calasey
bisle iyo dhamaan eheladii iyo
qaraabadii oow kageeriyoodey
cali maxamed cabdule <caliyoow.
oo dhawan ku geriyoodey wadanka
lebiya alaha unaxariisto
naxariistii janana alaha
kawaraabiyo aamiin
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN
UNUKOO KALAEH REER GEEDDOW
CADDAAWE IYO ILMAHOODA, REER
XUSEEN ROBLE IYO ILMAHOODA
WAXAAN TACSI TIIRAANYO LEH U
DIREYNAA DHAMAAN REER OW
CABDULLE JIMCAALE GAAR AHAAN
AABE OW MAXAMAD OW CABDULLE
JIMCAALE (OW MAXAAD FAREY) IYO
HOOYO CALASEY BISLE IYO DHAMAAN
WALAALIHII IYO QARAABADII IYO
QOYSKII OW KA GEERIYOODAY
MARXUUM cALI OW MAXAMAD FAREY
(CALIYOW) OO DHAWAAN KU
GEERIYOODAY DALKA LIIBIYA WAXAAN
ILAAHEY UGA TUU GEYNAA INOW
JINADII FIRDOWSO KA WARAABSHO
INTII OW KA TEGAYNA SABAR IYO
IIMAAN KA SIIYO
AAAAAMMMMIIIIINNNNN.
inaa lilaahi wainaa
ilayhu raajicuun
anagoo kala ah nuur
shiiq cabdi iyo xaaskeyga
sahrasuufi iyo xusen ahmed
<xusen dhagax.iyo xaskiisa raaxo
cismaan iyo ismahaan suufu iyo
yahye suufi iyosahra omar gaab
iyo liibaan shiiq iyoxaaskiisa
kaaho iyo hooyo xaawo cad iyo
fowsiya suufi iyo ninkeeda
maxamed biibaaye iyo dhamaan
ehelka iyo qaraabada oo dhan
ayagoo kala joogo wadamado kala
du duwan waxaan tacsi udireynaa
xusen maxamed cabdule iyo raaxo
maxamed cabdule iyo xabiibo
maxamed cabdule iyo aamino
maxamed cabdule iyo madiino
maxamed cabdule iyoxasan maxamed
cabduleiyo fu aad maxamed
cabdule iyo abaayo faadumo iyo
abaayo saynab iyo cabdi daqare
dhamaan qaraabadii iyo ehelkii
oow kageeriyoodey alaha
unaxariistee cali maxamed
cabdule <caliyoow> oo dhawaan ku
geeriyoodey dalka libiya
ilaahey naxariistii jano haka
waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii
oow katageyna samir iyo iimaan
ilaahey haka siiyo aamiin
amiin
|
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Inagoo
kala ah Xuseen M.Cabdulle Wadaad, Maxamed
Geeddow Caddaawe iyo Dr Maxamed Ibraahim
Waasuge waxaan Tacsi u direynaa eheladii ay ka
geeriyootay Marxuumad Aamina Shiidle oo ku
geeriyootay Wadanka Ingiriiska Magaalada
London, Waxaana u direeynaa Tacsida Maxamed
Shiidle,Khadiija shgiidle iyo dhammaan Reer
Maxaa Afrax iyo Carruurta ay ka tagtay
Marxuumadda waxaana leenahay Samir iyo iimaan
Iyadana Rabbi ha ka waraabsho Jannadii
fardawsa.. INNAA LILAAHI WA INNAA IULEEYHI
RAAJICUUN.
INAA
LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Unukoo ah Reer
Geeddow Caddaawe kalana ah Maxamad Geeddow iyo
xaaskiisa Seynab Axmad Walaal iyo Ilmahooda ,Xaliima
Geeddow iyo ilmaheeda waxaan tacsi u direynaa reer
Cali Ganey Dhammaantood siiba Madiina Cali iyo
ilmaheeda, Maano Cali iyo ilmaheeda, Luul Cali iyo
ilmaheeda iyo Axmad Cali iyo ilmahiisa unukoo uga
tacsiyeyheyno geeridii ku timid hooyo Xaajiyo
Xaliimo Calasow oo dhawaan ku geeriyootay magaalada
Xamar Degmada Wardhiigley waxaana intii ey kataktay
Ilaahey uga tuugeynaa inow sabar iyo iimaan ka siiyo
iyadana jannada firdowso ka waraabiyo Aamiin
__________________________________________________
Anagoo
kla ah Xuseen M.Cabdulle"Wadaad",M.M.Caddaawe
"Geeddow",Sacad Xuseen Rooble"Goobe",Cabdullaahi
M.Cabdulle Farey"Fu'ad,Inaga
iyo dhammaan qoysaskeenna waxaan Tacsi u direynaa
Axmed Cali Ganeey,Luul
Cali Ganeey,iyo dhammaan ilma Cali ganeey oo
hooyadood Hooyo Xaliimo
Calasow ku geeriyootay Xamar, waxaana leenahay Samir
Rabbi ha naga wada
siiyo iyadana Jannadii fardawsa ha ka waraabiyo
Innaa Lilaahi wa Innaa
ileyhi Raajicuun.
_______________________________________________________________________________
Unukoo kala ah
Maxamad M. Caddaawe (Geeddow)
Maxamuud cali Jimcaale (Koogaar)
Muuse Axmad Yuusuf
Xasan Cali Nuur ( Warshiikh )
Xaaji Cali Tumey
Xaaji Maxamuud Sibriye
Waxaan tacsi u direynaa iheladii iyo qaraabadii ow
ka geeriyooday Xaaji Yuusuf Maxamad Xeyle ( Yuusuf
Hawiye ) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Jiddah
ee dalka Sacuudiga waxaana EEbbe uga tuu geynaa inow
jannada firdowso ka waraabiyo intii ow ka tegayna
sabar iyo iimaan ka siiyo AAAAAMIIN
_______________________________________________________________________________
INAALILAAHI WA
INAA ILEYHI RAAJOCUUN
WAXAA SHALAY OO TAARIIKHDU EHEED 22
NOFEMBER
LANA MID EHEED20 BISHA SOOFU KU
GEERIYOODAY
MAGAALADA MUQDISHOW DEGMADA
WARDHIIGLEY USTAAD
MAXAMAD AXMAD WALAAL OO LOO YAQIINAY
USTAAD
WALAAL WAXAANA EEBA WEYN LOOGA TUUGAA
INOW
MARXUUMKA JANNADA FIRDOWSO KA
WARAABIYO
EHELADII OO KALA JOOGTO WADANKA
GUDAHIISA IYO
DIBADDIISABA SABAR IYO IMAAN KA SIIYO
AAAAMMMIIN
_______________________________________________________________
Anigoo ku hadlaayo Magacayga iyo kan reer
Xaaji Maxamed Cabdulle Fareey, Waxaan Tacsi u
diraa eheladii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday
Ustaad Maxamed Axmed Walaal oo ku geeriyooday
Degmada Wardhiigleey ee Gobolka
Banaadir,Waxaana Marxuumka Rabbi uga baryeeynaa
inuu ka waraabiyo Janadii Fardawsa eheladii uu
ka tyegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo. INNAA
LILAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN |