UNUKOO AH REER GEEDDOW CADDAAWE IYO ILMAHOODA WAXAAN TACSI U DIREYNAA GUUD AHAAN REER XAAJI JIMCAALE KULMIYE GAAR AHAAN CISMAAN HAAJI JIMCAALE IYO EHELEDII OW KA GEERIYOODAY MARXUUM CUMAR XAAJI JIMCAALE KULMIYE OO DHAWAAN KU GEERIYOODAY DALKA JARMALKA WAXAANA MARXUUMKA ILAAHEY UGA TUUGEYNAA INOW JANNADA FIRDOWSA KA WARAABIYO ,EHELADII OW KA TEGAYNA SABAR IYO IIMAAN KA SIIYO.AAAMMMIIIN

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

WAXAA DHOWAAN KU GEERIODAY WADANKA JARMALKA ALLAHA U NAXARIISTEE MARXUUM  CUMAR XAAJI JIMCAALE KULMIYE OO AHAA RUUX AAD LOOGA YIQIIN DEGAANKA XAMAR.WAXAAN ILAAHEY UGA TUUGEYNAA INOW JANADII FIRDOWSA KA WARAABIYO EHELEDIISA SABAR IYO IIMAAN KA SIIYO AAMIIN.

WAXAA INTA KU SOO QOREYNAA TAARIIKHDII NOLOLEEDKII MARXUUMKA OO KOOBAN:

MARXUUM CUMAR XAJI JIMCAALE.
 WAXUU KU DHASHAY MAGALADA MOQDISHO 1949.
 WAXUU DUGSI QURAANKA KA GALAY XAFADA WARDHIIGLEY, WAXBARASHADIISI DUGSIGA HOOSE KU SOO DHAMEESTAY KOLEJADA BAIDHABA 1965, KA DIBNA WAXUU DUGSIGA DHEXE KA DHIGTAY DUGSIGA COMERCIALE 1965-1968, DUGSIGIISII SARA WAXUU KA SOO KALA DHIGTA DUGSGII SARE EE RAAGE UGAAS IYO DUGSIGII SARE SHEKH XASSAN BARSANE 1968-1972. KA DIBNA WAXUU KA MIDNOQDAY ARDADII JAMACADDA LAFOOLE 1972 WAXUUNA KASOO QALIN JABIYAY SANNADKII 1976. PORFASOR CUMAR ALAHA U NAXARIISTE WAUU MACALIN KA NOQDAY DUGSIGII SARE 15 MAY WAXUUNA AHAA MACALIN CAAN KU AH MAADADA BIOLOGIA. WAXUUNA HALKAA KA SHAQEEYAY DHOOR IYO TOBANSANO AH. WAXUUNA AHAA PORF. CUMAR MACALIN WISAARADA WAXBARASHADA LAGA JECLAA, WAXAANA LOO DALACSIIYAY MAAMULAHA DUGSIGA SARE EE XAMAR WAXUNA KASHAQEEYAYA DHOOR SANO.
 CUMAR ALAHA U NAXARIISTEE WAXUU AHAA NIN SPORTIGA AAD U JECEL WAXUU KAMID NOQDAY CIYAARTOYDII SERIA 'A' WAXUU U SAFTAY KOOXDII IFTIN 1972 IYO KOOXDII BATROOLKA KUBADDA CAGTA .
 MARXUUMKA WAXUU AHAA GARSOORE CAALAMI EE CIYAARAHA  FUDUD. WAXUUNA KA NOQDAY GARSOORE CIYAARO LAGU QABTAY LIBIA ,CIRAAQ IYO WADAMO KALE SANADADII SIDEETAMAATKII WAXUU KA NOQDAY GUDOOMIYE KU XIGEEN XIRIIRKA CIYAARA FUDUD.
 WAX UU WADANKA KA SOO DHOOFAY 1988di ISAGA OO KU NOOLAA JARMALKA HALKAAS AYUU NA KU GEERIYOODAY '' INAA LILLAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUNA''
 MARXUUMKA WAXAAN EEBE U GA BARYEEYNAA IN QABRIGIISA KU QABOOJIYO JANADIINA FIRDOOSANA EEBE KA WARAABIYO.

 

 

inaalilaahi waianaailayhi raajicuun

anagoo kala ah reer axmed calasow cariif iyo reer shiiq abdi shable dhamaantaan waxaan u tacsiyeyneynaa aabo maxamed cabdule farey iyo hooyo calasey bisle  iyo dhamaan eheladii iyo qaraabadii oow kageeriyoodey cali maxamed cabdule <caliyoow. oo dhawan ku geriyoodey wadanka lebiya alaha unaxariisto naxariistii janana alaha kawaraabiyo aamiin

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

UNUKOO KALAEH REER GEEDDOW CADDAAWE IYO ILMAHOODA, REER XUSEEN ROBLE IYO ILMAHOODA WAXAAN TACSI TIIRAANYO LEH U DIREYNAA DHAMAAN REER OW CABDULLE JIMCAALE GAAR AHAAN AABE OW MAXAMAD OW CABDULLE JIMCAALE (OW MAXAAD FAREY) IYO HOOYO CALASEY BISLE IYO DHAMAAN WALAALIHII IYO QARAABADII  IYO QOYSKII OW KA GEERIYOODAY MARXUUM cALI OW MAXAMAD FAREY (CALIYOW) OO DHAWAAN KU GEERIYOODAY DALKA LIIBIYA WAXAAN ILAAHEY UGA TUU GEYNAA INOW JINADII FIRDOWSO KA WARAABSHO INTII OW KA TEGAYNA SABAR IYO IIMAAN KA SIIYO AAAAAMMMMIIIIINNNNN.

 

inaa lilaahi wainaa ilayhu raajicuun

anagoo kala ah nuur shiiq cabdi iyo xaaskeyga sahrasuufi iyo xusen ahmed <xusen dhagax.iyo xaskiisa raaxo cismaan iyo ismahaan suufu iyo yahye suufi iyosahra omar gaab iyo liibaan shiiq iyoxaaskiisa kaaho iyo hooyo xaawo cad iyo fowsiya suufi iyo ninkeeda maxamed biibaaye iyo dhamaan ehelka iyo qaraabada oo dhan ayagoo kala joogo wadamado kala du duwan waxaan tacsi udireynaa  xusen maxamed cabdule iyo raaxo maxamed cabdule iyo xabiibo maxamed cabdule iyo aamino maxamed cabdule iyo madiino maxamed cabdule iyoxasan maxamed cabduleiyo fu aad maxamed cabdule iyo abaayo faadumo iyo abaayo saynab iyo cabdi daqare dhamaan qaraabadii  iyo ehelkii oow kageeriyoodey alaha unaxariistee cali maxamed cabdule <caliyoow> oo dhawaan ku geeriyoodey dalka libiya  ilaahey naxariistii jano haka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii oow katageyna samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo aamiin amiin

 
 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Inagoo kala ah Xuseen M.Cabdulle Wadaad, Maxamed Geeddow Caddaawe iyo Dr Maxamed Ibraahim Waasuge waxaan Tacsi u direynaa eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Shiidle oo ku geeriyootay Wadanka Ingiriiska Magaalada London, Waxaana u direeynaa Tacsida Maxamed Shiidle,Khadiija shgiidle iyo dhammaan Reer Maxaa Afrax iyo Carruurta ay ka tagtay Marxuumadda waxaana leenahay Samir iyo iimaan Iyadana Rabbi ha ka waraabsho Jannadii fardawsa.. INNAA LILAAHI WA INNAA IULEEYHI RAAJICUUN.

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Unukoo ah Reer Geeddow Caddaawe kalana ah Maxamad Geeddow iyo xaaskiisa Seynab Axmad Walaal iyo Ilmahooda ,Xaliima Geeddow iyo ilmaheeda waxaan tacsi u direynaa reer Cali Ganey Dhammaantood siiba Madiina Cali iyo ilmaheeda, Maano Cali iyo ilmaheeda, Luul Cali iyo ilmaheeda iyo Axmad Cali iyo ilmahiisa unukoo uga tacsiyeyheyno geeridii ku timid hooyo Xaajiyo Xaliimo Calasow oo dhawaan ku geeriyootay magaalada Xamar Degmada Wardhiigley waxaana intii ey kataktay Ilaahey uga tuugeynaa inow sabar iyo iimaan ka siiyo iyadana jannada firdowso ka waraabiyo Aamiin

__________________________________________________

 Anagoo kla ah Xuseen M.Cabdulle"Wadaad",M.M.Caddaawe
"Geeddow",Sacad Xuseen Rooble"Goobe",Cabdullaahi M.Cabdulle Farey"Fu'ad,Inaga
iyo dhammaan qoysaskeenna waxaan Tacsi u direynaa Axmed Cali Ganeey,Luul
Cali Ganeey,iyo dhammaan ilma Cali ganeey oo hooyadood Hooyo Xaliimo
Calasow ku geeriyootay Xamar, waxaana leenahay Samir Rabbi ha naga wada
siiyo iyadana Jannadii fardawsa ha ka waraabiyo Innaa Lilaahi wa Innaa
ileyhi Raajicuun.

_______________________________________________________________________________

Unukoo kala ah
Maxamad M. Caddaawe (Geeddow)
Maxamuud cali Jimcaale (Koogaar)
Muuse Axmad Yuusuf
Xasan Cali Nuur ( Warshiikh )
Xaaji Cali Tumey
Xaaji Maxamuud Sibriye
Waxaan tacsi u direynaa iheladii iyo qaraabadii ow ka geeriyooday Xaaji Yuusuf Maxamad Xeyle ( Yuusuf Hawiye ) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga waxaana EEbbe uga tuu geynaa inow jannada firdowso ka waraabiyo intii ow ka tegayna sabar iyo iimaan ka siiyo AAAAAMIIN

_______________________________________________________________________________

INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJOCUUN

 

WAXAA SHALAY OO TAARIIKHDU EHEED 22 NOFEMBER

LANA MID EHEED20 BISHA SOOFU KU GEERIYOODAY

MAGAALADA MUQDISHOW DEGMADA WARDHIIGLEY USTAAD

MAXAMAD AXMAD WALAAL OO LOO YAQIINAY USTAAD

WALAAL WAXAANA EEBA WEYN LOOGA TUUGAA INOW

MARXUUMKA JANNADA FIRDOWSO KA WARAABIYO

EHELADII OO KALA JOOGTO WADANKA GUDAHIISA IYO

DIBADDIISABA SABAR IYO IMAAN KA SIIYO AAAAMMMIIN

_______________________________________________________________

Anigoo ku hadlaayo Magacayga iyo kan reer

Xaaji Maxamed Cabdulle Fareey, Waxaan Tacsi u

diraa eheladii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday

Ustaad Maxamed Axmed Walaal oo ku geeriyooday

Degmada Wardhiigleey ee Gobolka

Banaadir,Waxaana Marxuumka Rabbi uga baryeeynaa

inuu ka waraabiyo Janadii Fardawsa eheladii uu

ka tyegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo. INNAA

LILAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN