Yaa  suxufi ah?

 

Waxaan rabaa inaan waxyar dib ugunaqdo taariikhda saxaafadda ee wakhtiyadii lasoo dhaafay. Markii aan xornimada qaadanay 1960 waxaa ladhisay wasaarad warfaafinta qaabilsan waxaana jiray hal raadio hal wargeys wadanka malaheyn ogaantey dad warfaafinta dugsi uga soo baxay,waxaase tartiib tartiib usoo baxaayay wakhti kedib dad ka faa’iideystay waxbarasho gaaban ook u saabsan habka warfaafinta horay loogu marinlahaay waxaa wadanka joogay khubaro ajnabi ah oo xagaa tababarada ka kaalmeyjiray shaqaalaha ka shaqeeyo warfaafinta qaar koodna dibadda u qaadijiray.Warfaafintii sagaalkii sano ee dowladii rayadka eheed waxey eheed mid curdan ah lana saanqaadeysay qunyar socodkii dowladihii 1960 ilaa iyo 1969 waxaana dalka ka jiray warfaafin ahaan raadio muqdishow iyo wargeyskii (Corrieri della Somalia).Waxaa iyagana jiray sanadihii dambo wargeysyo kale oo ey soo saareen shakhsiyaad kuwaasoo kii ugu afdheeray ow ahaay ( Latribuna) oo ow soo saarijiray Allaha u naxariistee Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo weliba xifadiisu eyna eheyn saxaafadda.Markii aan intaas uga gudbo inti yareed oon ka soo qaatay sagaalki sano iyo saxaafadda waxaa sanadkii 1969 21 Oktoobar dalka ka dhashay kacaankii ciidamadu xukunkii dalka kula wareegeen warfaafintu sideedi ey u shaqeyheysay waxaa kaliya oo isbedelay waxow ahay wargeykii Corriere della Somalia oo u xuub siibtay Stelle d’Ottobre wax kale oo wargeys ah oo dalka ka soo bixijiray majirin dadki markaas, suxufiyiintii markaas jirtay oo iskaba yaraa waxey u kala qeybsameen kuwo kacaanka lasaanqaado iyo kuwo xirfadoodi bedesho oo shaqooyin kale iska raadsado.Meeshaas waxaa ku dhamaatay madax banaanidii saxaafadda oo muddo dheer hurdo qasab ah ku jirtay.Kedib markii xukunkii kacaanka lariday horaantii 1991 ayaa waxaar halmar soo baxay dhaliyaro farabadan oo qalinka u qaadatay iney wax qoraan ayagoo haba yaraatee wax waaya aragnimo ah u leheyn shuruucda saxaafadda nin walibana waxow qaatay qalin iyo xaansho waxowna ku dhigay wax ala wixii maskaxdiisa ku soo dhacay usugoo u qaatay in saxaafad madax banaan lahelay taasoo keentay isdhexyaac iyo in lagu xadgudbo hadafkii saxaafadda madax banaan. Markii hore waxaa saxaafadda lagu timaamaayay mid cabursan haddana waxey u xuubsiibatay mid fowdo ah ( anarchia ) qofwalbana sidii ow doono wax u qoro.Waxaan xasuustaa nin bahdii saxaafadda wakhtigaas kamin ahaa welibana dadka u gu aqoota roon kamid ahay aa waxaa laweydiiyay su’aal ah saxaafadda hadda malagu timaami karaa mid madax banaan? (Jawaabtiisi waxey naqatay maya,maxaayeelay meel shaci hagaayo qoraalka suxufiga ow jiro ayaa xur iyo xur la’aanba lakala ogaan karaa).Sidii saas loo ahay waxaa dalka ka bilowday dagaal sokeeye ooi sagana saameyn wey ku yeeshay saxaafadda ilaa lagaaray iney lakala saftaan dhinacyadii ishaayay.

Waxaan rabaa inaan u soo naqdo nuxurka qoraalkeyga sida dadka soomaalida ah badankooda u heysto qof raadio ka waramay ama dhow eray warqad afar ama shan bog ah wax qoray, ama website lacag kala baxay oo waxow doono run iyo been ku qoro isma qaadankaro maca suxufiga sida badanaaba dhacdo suxufi waa qof aqoon xirfadeed u leh sharuucda saxaafadda gudaha iyo dibbaddaba heer waxbarashana ku gaaray suxufinimadda (dugsi sare, Jaamacad iwm) waxaana looga baahanyahay waxyaabaha soo socdo:

1-    Inow aqoon dheer u leeyahay shuruucda saxaafadda gudo iyo dibbadba

2-    Inow run sheegyahay oo waxa jiro si dhab ah uga waramikako

3-    In akhbaarta ow u soo gudbihaayo dadka iney naqato mid ow kabaaraandegay hadhow wixii kayimaada meel saari karo

4-    Inowna naqan mid qoraalkiisa runta ah eyna ka weecin cabsi amja hadadaad loo geyto.

5-    Inowna naqan mid qoraalkiisa dano dad gaar ku socdo

6-    Inow dhex dhexaad kanaqdo danaha isdiidan ee gudaha iyo dibbaddaba ka jiro iwm.

Shuruudaha aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kale oo farabasan aa laga rabaa inow oofiyo suxufiga dhanta ah.

Waxaan rabaa inaan isweydiiyo dhaliyada faha badan ee kusugan dalka gudahiisa iyo dibbadiisa ee tooska ah u qaatay magaca suxufiga maloo nisbeykaraa ineyyihiin suxufiyiin dhab ah? Waxaan jawaabta ka sugaa cidii akhrisato maqaalkaan.

 

 

Waxaa qoray M.M. Geeddow

 E-Mail geddow@hotmail.com  geeddow41@yahoo.com  cadale@cadale.com