Waxqabadka midowga maxaakiimto waa tilaabo horuumar leh

Waxaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo waxqabadka Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Caasimadda Soomaaliya iyo gobolada qaarkood lawareegay maamulkooda .Aniga waxaan u arkaa tilaabooyinka ey qaadaayaan Maxkamaduhu iyo góaamada ey soo saaraayaanba kuwo horay loogu tilaabsahaayo soo celinta nabadgelyada,nidaamka, kaladambeynta iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo dhunsanaa muddo kabadan 16 sano.Markii aan tusaalo yar ka soo qaato wax qabadkooda waxaan wada ognahay iney Xamar iyo gobolada ey maamulkooda lawareegeen ey muddo yar ku soo celsheen nabadgelyadi goobahii ku caanbaxay nabadgelyada xumadana ey maanta yihiin ku shacabku ku lugeeyo iyaggon wax cabsi ah qabin magaalada aadan ku arkeyn maleeshiyooyinki ku caanbaxay dhaca, kufisiga,jirdilka iyo wixii xun oo dhan qofwalbana ey nabad ku jiisaheyso nabana ku soo kaceysoo tasso qofka 16 jirka owna horay u arkin.waxaakale oo jirto in qofka wadanka dibbadda uga maqan owna sisahlan u rumeysan karin haddana dhab ah.Waxaakale oo kamidah guulaha Maxaakiimtu gaareen furitaankii garoonka dayuuradaha iyo dakaddacaalamiga ah iyo welibo magacaabidii labada maareeye ee labada ilo dhaqaale,waxaa iyadana xusid mudan sameynta waaxda socdaalka oo iyadana muhim u ah soo celita nidaamka dalka lagusoo gelaayo,waxaa iyadana tilaabo guul ah iigu muuqato mamnuucidda kulama siyaasadda haddii aan laga helin ruqsad maamulka midowga maxaakiinta taasoo xal u ah isbarbar yaacidii kajirtay dalka  wakhtigii lasoo dhaafay loona baahanyahay in la xakameeyo.Waxaa iyadana wax loo baahanyahay eh talaabada lagu joojihaayo in dadka ajnabiga ah iska soo galaan dalka ruqsad la’aanta taasoo iyadana loo baahnay in laxakameeyo shacina laga soo saaray. Arinta iyadana aadka loogu baahnaayay waxey eheed soo celinta cadaaladda oo bilaabatay taasoo ah in maxaakiimtu ku dhawaaqday isu celinta hantida lakala heysto iyo arrintaas maxkamad u gooni ah loosuubidoono taasoo ey ku dhiciwaayeen maamuladii ka horeyay.

Tilaabooyinka maamulka maxaakiimtu qaadaayaan waxaan u arkaa iney yihiintilaabo horay loogu qaadaayo soo celita maamul caafimaad qabo oo kala dambeyn leh loogana gudbaayo is barbaryaacii iyo xusulduubkii beenta ahaa oo lagu dalbaayay madaxnimada.

Waxaa xusid mudan inaan mararka qaarkood arko ama maqlo qaar kamid ah meediyada soomaalida (websiteyada,wargeysyada iyo idaacadaha) oo dulduleelo u raadihaayo go’aanada kasoo baxo maamulka midowga maxaakiimta ey soo saaraan,iskuna dayo iney dadweynaha soomaaliyeed kuwa joogo gudaha iyo dibbaddaba si kale oo wanaagga iyo xaqiiqdaba kasoo horjeedo ugu micneeyaan go’aanadaas haddii ey katahay aqoon la’aan iyo haddii kaleeyihiin ujeedo guracan,waxaanse u badihaa iney nacaayaan xukunka toosan oo eyna arag qaarkood iney maqlaan maahine waxaanse kuwaas u soo jidi lahay iney dadkooda dhinaca ka raacaan kuna farxaan wixii ummadda dhibtootay dhibka bixihaayo.

Waxaan ugu dambeystii rabaa inaan maamuka maxaakiimta u soo jeediyo arimaha soo socdo:

1-    In maamulka sare ee maxaakiimtu yeesho sabar badan hadii larabo in umadaan dhibaatadu dilatay lagala dagaalamo duliga.

2-    In wakhtiga xadirka ah aan lagu degdegin in Xamar maamul madaxbanaan loo sameeyo hase ahaatee abaaul xoog leh laga sameeyo degmooyinka lana gaarsiiyo ilaa deris oo ah in kontonkii guriba loo sameeyo maamul nabadgelyada ilaaliyo.waxeyna ila tahay in maamulka guud ee gobolka banaadir ow si toos ah looga maamulo xafiiska sare ee maxaakiimta.

3-    In sharci degdeg ah loosoo saaro saxaafada si loo xakameeyo fowda kajirto saxaafadda.

4-    In maxaakiimtu yeelato meediya fikradooda faafiso dadka soomaaliyeedna u soona tebiso xaqiida jirto.

5-    In maxaakiimtu yeelato waax u qaabilsa fikrada ururita gudaha iyo dibbaddaba si toos ahna loola xiriiri karo.

Wabilaahi towfiiq

 

M.M. Caddaawe (Geeddow)

E-mail geeddow41@yahoo.com

Web site:www.cadale.com

 

 

HAMAR WAA NABAD     

Waxaan socdaal gaaban oo qaatay muddo bil ku dhawaad ah ku tegay caasimadda Soomaaliya Muqdishow oo ey iigu dambeysay bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay,wanaana wax layaab ah ugu naqatay sida ey u kala gedisantay xaaladii nabadgelyo ee Nofembar iyo midda hadda ka jirto waana wax owna qofku rumeysan karin marka loo sheego. Markii hore oon tegaayay waxey eheed meel fowdo ah oo nabadgelyo haba yaraatee eyna ka jirin naftana aan lagu aaminikarin cabsi kajirtay darteed.waxaadna mararka qaarkood lakulmeysay canug yar oo bunduq wato oo kaayeelayo sow rabo kuna dhahaayo wararka kuwa ugu xun haddii aad warkusoo celisana dhow xabbadood kugu dhifahaayo kedibna iska tegaayo usugoo aanba umaleyheyn inow dimbiile yahay.Waxyaabaha dulmiga ah ee Xamaryiilay wax lasoo koobi karo maaheyn.Waxaan xamar tegay 10-07-2006 iyadoo Xamar intiisa badan ey gacanta ugu jirto Maxaakiimta islaamiga meelaha ey gacanta ku haayaana ey nabadgelyo buuxdo ka dhigeen.Intii aan Xamar joogayna gooba badan aa gacantooda soo galay ilaa ow Xamar oo dhan ow gacantooda soo galay,nabadgelyadiina ey ku soo naqatay waxaa isu furmay Xamar oo dhan waxaana dabku iyagoo koox koox ah ey ku lugeyhaayeen jidad aan cagtu marin mudoo dhowr iyo toban sano ah waxaana dadku u dabaal degaayay nicmada Illaah siiyay oo ah soo celinta nabadda waxaa dadku suubiyay banaan baxyo badan oo ey ku muujihaayaan shucuurtoda iyo taageerada ey u haayaan Maamulka Maxaakiimta oo dariishadda neecaawda nabadda u furay dadka muqdisho ku nool oo nabadgelyo laaanta ,cadaala darada,xadgudubka iyo waxyaalaha xun xun oo dhan ey disheen.waxaana muqdishow ka soo laabtay 30-07-2006 anigoo nasiib u yeeshay inaan kamidnaqano aniga iyo xaaskeygaba rakaabkii soo raacay dayuuraddii ugu horeysa oo ganacsi ee ka soo duushay garoonka caalamiga ah dayuuradaha ee Muqdishow oo muddo kaban 11sano eyna dayuurad ka duuli.Waa illaahey mahadiis hadii Muqdishow maanta nabadtahay.

Maxamad M.Caddaawe ( Geeddow )

 

 

Maxaa maatida Mudullood Mininkooda loogu leyhaa?

Dadka mudullood mawalaxeyna garan mawaxaa Alle ka qaaday maskaxdii ey ku shaqeylahaayeen aaween odayaashii samadoonka ahaay oo ku hagooga jiray dhiigga daadahaayo aaween dhallinyaradii firfircooneed oo meesha dheer wax ka arki jirtay aaween aqoonyahanadii larabay iney bulshada inteeda kale wanaagga u horseedo aaween culamaaudiinkii larabay iney dadka u sheegaan in daadinta dhiiga dadka musllimka ah ee aan wax dulmiya suubin cawaaqib xumada ow leeyahay aduun iyo aakhiraba aaween nimankii isku sheegaayay siyaasiyiin ma weyna ka cabsaheyn carada Ilaahey mexey dadkooda u dilaayaan. Dagaalku shalay waxow ahaay galgalato berigana waa siisiiye. Mawaa dadka mudullood iyo madaxdiisaba  kasi layihiin in dagaalku owna leheyn wajiga loo yeelaayo oo ah argagixiso iyo argagixiso ladirir hase ahaatee aan anigu u arko inow taas ka gedisanyahay sababta oo ah in kuwa soo hindisay in wadanka argagixiso joogto oy la diriraayaan iyo kuwa lagu tilmaamaayo iney argagixiso haayaan ey isku dan ahaayeen islana jireen intii ka horeysay doorashadii guddigii Gobalka Banaadir markaas oo khilaaf soo  kala dhex galay dagaal ogayaashii Mudishow joogay kedibna ey ku dhawaaqeen aas aaski isbaheysiga ladagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda kaasoo ow hor boodaayay Maxamad Qanyare  oo sitoos ah ugu dhawaaqay in isbaheysigu ladagaalamaayo maxkamadaha islaamiga ah oo ow ku tilmaamay iney argagixiso yihiin haayaanna argagixiso caalami ah oo ey gabaad sii haayaan. Qayare si ow u fuliyo ujeedadiisa waxow raadsaday rag ganacsato ah oo marhore xurguf dhex martay maxkamadaha sida Bashiir Raage, Cabdirashiid Ilqeyte iyo kuwo kale usugoo isla fikradaas ka dhaadhiciyay dagaal ogayaasha ku hubeysan magaalada Muqdishow. Markii aan dib ugusoo naqdo dulucda maqaalka wexey aniga ila tahay in dagaalka hadda socdo ow wejigii lagu ogaay iska bedelay oo hadda ow u muuqdo in dadka mudullood lagu laayo inta ka hertayna la barakiciyo beledkana laga bixiyo iyadoo loogu talagalay in kuwa dagaalamaayo oo madfaca ridaayo iyo kuwa ow  ku dhacaayaba ey mudulood ahaadaan madaxdoodana loo siticmaalo magacyo kala duwan oo uyuka lagu how gelihaayo si ey maatadooda u laayaan  waxyaabaha lalayaabo waxaa kamid ah laba jilib oo habargidir ka mid ah oo lakala jigo labada dhinac oo la sheegay iney dagaalamaayaan ey ku heshiiyeen in eyna iyagu isweerarin hase ahaatee ey weeraraan dadka kale kuwaasoo kala ah ceyr iyo sacad taas waa sidey  uga badbaadi lahaayeen maatadooda  madaafiicda waxaad aragtaa dagaalkii Xamarweyne oo dhow rasaas markii leysdhaafsaday lagu heshiiyay waxaad aragtaa dagaalkii lambar 4 oo wax yar socday ,waxaad fiirisaa dagaalkii huriway markii dambe Maxamuud Hiraab iyo maxkamaduhu ku heshiiyeen inaan mardambe lees weerarin.waxaasoo muduloodow wax waa ku qaada laadahay waxaase wax ogaadoontaa marki dadkaagu u qeybsamo wax dhintay iyo dhoofay degaanada aad ku magacaabantahayna dadkale soo degaan.

Waxaan rabaa inaan kusoo gooyo qoraankeyga Muduloodow mar Madarkicis waa kuu talihaa hadaadan sidaan isu dhaamin.

 

Waxaa  Qoray

M.M.Caddaawe ( Geeddow )

E-Mail : geeddow41@gmail.com

Web Site:www.cadale.com

 

City: Country:
Homepage: Date: 4-Feb-2006 21:18:29  
Message:

 
 
        Nin habaarani ma harsado
 
Maxaa sira la qaysaday
saf saf leesu kala maray
Leesu sogor dahaayaa
Salaan aan niya ahaayn
Gacma leesu saaraa
Leesa soo dhaweeyaa
Runta laga siqaayaa..
Beesha sacabka loo tumaayaa....
       Haddii aan soomaali nahay waxaan 
filayaa in ka badan muddo 15 sano ayaan 
sugaynay in la helo dowlad soomaaliyeed oo 
caafimaad qabto oo mar uuun cagaha u dhigta 
muujadahaan waalan ee marba meel ka boodayo 
uuna ku daadanaayo dhiigga  ummadda sooma-
aliyeed ayagoon waxba galabsan. 
 Bilowgii ololihii doorashada ee 
dowladii lagu soo dhisay Nayroobi ayaa waxaa 
jirtay in madaxwayne C/laahi Yuusuf uu waraysi 
siiyay saxaafada markaas uu ku jiray loolanka 
kursiga madaxwaynanimada wuxuuna 
yiri "soomaalidu waxay u baahan tahay nin 
habaaran sidayda oo kale ee uma baahna wadaad 
farajilicsan",taasoo kuu cadaynayso in asagu 
afkiisa ka qirtay in uu yahay nin habaaran, 
soomaaliduna waxay tiraa "nin habaarani ma 
harsado", marka la yaab  malaha akhristow in 
maantana uu meelaha la wareego kursigii  uu 
bililiqada kaga sooqaatay soomaalidii halkaas 
doorashada uga socotay asagoo garbaha ka 
riixaysay dowlada itoobiya, una soo dhiibtay 
kontaynaro lacaga si uu ukala gado bulsha 
waynta soomaaliyeed ee uu dhex joogay, kuwaas 
oo markaas daymo farabadan lagu haystay , kadib 
markii laba sano iyo dheeraad ku silic 
sanaayeen halkaas oo ninkasta oo jega 
raadinayay jiscinkii uu ugu tala galay 
doorashada ay ka dhamaatay, hoteeladii ay 
deganaayeena faraqa laga hayto. 
 Daruufahaas jiray dartood asagoo ka 
faa"iidaysanaaya ayuu ku faraqay doolarkii 
xabashida. Markii loo doortay madaxtinimada 
dalkana asagoo ka fiirsan waxa uu ku hadlayo 
ayuu dhoor jeer sheegay in beelaha degan 
muqdisha (Hawiye) in uu badda ku dari 
doono,isagoo markaas ku tashanaayo calooshood 
ushaqaysta yaal laga soo ururiyay dalka 
xabashida iyo Puntland,kuwaasoo uusoo dhoobay 
ugu danbayntii xerada Kongo oo ku taala 
duleedka magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada 
dhexe asagoo la kaa shanaayo gudoomiyaha 
maamulka shabeelada dhexe MaxamedCumar Xabeeb
(Maxamed dheere), oo ugu muuqatay markaas in uu 
yahay nin hayina oo wax alla wuxuu yiraa horay 
ka yeelaya.Hadaba muddo sanad ka badan ayuu 
C/laahi Yuusuf ku khasaariyay hub urursi, 
ciidan urursi si uu ugu weeraro magaalada xamar 
oo ay degan yihiin dadkii uu ka dhashay  
shabeelka siyaasada Maxamed dheere kaasoo ka 
diiday in dadkiisa cagta la mariyo; waxaana 
muuqatay in C/laaahi Yusuf ciidamo uu ku 
weeraro iska daaye in uu maxbuusku ahaa 
magaalada Jowhar, hubkii uu la soo degayna lagu 
xaraystay makhaasino, Maxamed dheerena uu 
diidan yahay in dushiisa la koro, ayaa waxaa u 
soo baxaday fursadii ugu fiicnayd taasoo ahayd 
heshiiskii  Cadan ee dalka Yemen, halkaas uu 
c/laahi kula kulmay afhayeenka barlamanka ee 
DKMG mudane Shariif Xasan , waxaana halkaas ka 
dhacay heshiis baydhabo gacanta loogu gelinaayo 
c/laahi Yuusuf, asagoo ku bedelanaaya in 
Baydhabo ay noqto xarunta rasmiga ah ee DKMG.
 Madaxwayne c/laahi Yuusuf oo ay ka 
muuqato farxadi garabkiisana uu fadhiyo Shariif 
Xasan ayaa magaala Nairobi uga dhawaaqeen in 
fadhiga barlamanka ee lagu heshiisiinaya labada 
garab ee DKMG uu ka dhici doono magaalada 
Baydhabo.Hadaba Baydhabo waa magaalo 
istaraatijiya oo wadanka oo dhana caanka ah , 
dadkeeduna uu yahay dad diinta jecel iyo deris 
wanaaga, marka waxaa is waydin leh malaga 
yaabaa in bahwaynta baydhabo in ay duqa 
habaarani uu ka dhigto goobtii lagu qaban la 
haa cayaaraha is reereebaka ee jiiroonigii 
labaad ?, maadaama  uu jiiroonigii hore ee ka 
dhacay  Jowhar uu ku guul daraystay c/laahi 
Yuusuf lagana furtay hub farabadan , ciidamadii 
calooshood u shaqaystayaasha ahaana ay kaadi 
kula fadhiyaan xerada Kongo ayagoo ah xukun 
suga yaal, lagana yaabo in maraqooda la cabo 
haddii duqa habaarani uu la imaawaayo wax uu ku 
qanco shabeelka siyaasada Maxamed dheere.
 Dhinaca kale markaa eegno akhritow,waxaa 
muuqato in duqa habaarani uuba ka sabray 
ciidamada u joogay xerada Kongo,waayo wuxuu 
bilaabay in uu soo dhaqaajiyo cidamada ay isku 
beelaha yihiin ee jooga  gobolka jubada hoose, 
puntland iyo meela kale oo ka tirsan gobolada 
ay bahwadaaga yihiin asagoo ugu baaqaya in 
baydhabo ay gacantiisa si fudud ku soo geli 
doonto oo aysan ahayn sidii Jowhar oo kale, 
asagoo qalbiga ku sabanaayo in haddii uu 
dhiiqada baydhabo lugaha lagalo in uu gurmad 
degdeg ah uu ka helikaro xabashida, sidaa 
darteed wuxuu bilaabay in uu boorka ka jafto 
maaliyadii uu maxamed Siyaad Bare gashanaa 
xiligii uu Baydhabo xoogga ku haystay asagoo 
isu diyaarinaaya cayarta ka dhici doonto 
magaalada Baydhabo oo uu ugu habar wacday 
huwantiisa, ayadoo tikidhadii lagu geli lahaa 
cayaarahaas daabacaadooda la bilaabay.
 Hadal iyo dhamaantii,haddii sida uu ku 
riyoonaayo duqa habaarani oo ah in asaga iyo 
huwantiisu ay madaxa isu geliyaan beelaha Digil 
iyo Mirifle iyo beelaha Hawiye oo weligoodba 
nabada iyo diris wanaagu ka dhexeeyay , taasi 
waxaan filayaa in aysan dhecaynin ee madaxooda 
haka saaraano waayo digil &Mirifle way yaqaanin 
beelaha Hawiye oo hadda la barimaayo ee 
habaaranow beelaha nabad ha kaaga daaqaan. 
Waxaase aniga iga yaabisay odagu xoow indha 
iskaga tira ileen waa u muuqataa Hawiye wuxuu 
yahay tariikhday ku cadcadahaye, xaytahay  
odogu hilmaansho dhawaa ma umulaa ?. Bal 
akhristow waxaynu sugnaaba waa kooxa cusub ee 
ka abuurmay burbikii labaad ee DKMG halka ayku 
danbayso iyo isbedalada siyaasadeed ee ka soo 
bixi doona wejiyaadaa cusub ee abaabulkooda 
faraha lagula jiro .Waxaan jeclahay inaan halkaan idinku soo 
gudbiyo maanso gaaban aan ugu magac deray
"QIIL" waxaana ku bilaabay :
Qarankaa lakala jiitee
Midba qayb qaatayee
Qaladkaa lawada galee
Dhulku wada qiiqaayo
Qofyar iyo mid waynba
Qoorta lawada gooyay
Qabuurahana loo qodee
Lagu qam siinaayo
Qiil ninkii u raadinayow
Bal qoorta soo dhiibo
Ummadaa wada qaxaysee
Qoysba qoys ku abaabaayo
Ayagoon qadarna isdhaamin
Iyo kuwaa qaxadu dilatee
Qufaca la yuurura
Quudaradu u kaalisoon
Qadana haba sheegin
Ee qaaradaha kor udhaafee
Ooy dunidu ka qaylisay
Dadkaa qaxooti ma ahan
Ninkay u qorantahayow
Bal qoorta soo dhiibo
Qalad laguma hadlee
Hadan qeyb ku fahamsiiyay
Oo maansadaan qotomiyoon
Qaafka ka higaadshay
Qaarkalaa ii dhimane
Qunyar bal idhegeyso
 Heshiiskaa la qarsadee
Qaxwada lagu sheegaayay
Oo qoon uun u gaaree
Soomaalida laga qariyay
Qosol aan lawada qabin
Waa qaraabo gooyse
Qab qab dhaaftiyo
Qoryo urursi sow maaha
Qaarbay mehnad u tahay
inaay qolo qolo u diriraane
OOy quud ka raadiyaan
Qumbo reerkale leeyahay
Qacda waxay ka ridaan
Hadba meeshi qaro yaalo
Maantana qayla dhantoodu
Waa qar iska tuuree 
Qarnigii hore wixii qabsaday
Ninkii qadar yar ku ilaabay
Ee weli Hawiye qoolka usitee
Raba inuu qab qabtaa
Ama qarawdayaa
Ama qanaxdheere aadayaa
Aniga qaarkaygaan kugu sugaa.
           W///tiriyay: A.Baraxow
 
By:Dr.A.Baraxow
E-mail: yabaal7@homail.com
04-2-2006
Name: Dr.Abuukar Baraxow E-mail: Yabaal7@hotmail.com  

 

Name: Dr.Abuukar Baraxow Caddow E-mail: Yabaal7@hotmail.com  
City: Country:
Homepage: Date: 17-Jan-2006 22:48:07  
Message:

 
            Intaan firinbigu kugu yeerin
            Muusow armaad ka fiirsataa!!!


Dr.Abuukar Baraxow Caddow
E-mail:Yabaal@hotmail.com
17-01-2006

 
        Waxaan muranba ka taagnayn in shacbiga 
ku nool magaalada xamar iyo agagaarkeeda ay la 
liicayaan cabsi wayn oo ay ka qabaan in dagaal 
dib uga dilaaco magaalada xamar, kadib markii 
xaaji Muuse Suudi looga badiyay laba-eber(2-0).

         Markaan dib u jaleecno markii ay DFKMG 
ay soomagacaabeen gudoomiyhii gobalka Banaadir, 
waxay nabar xanuun leh ku noqotay C/Qaasim kaas 
oon ognahay inuu xoog ku haysto qayba ka mid ah 
gobalka Banaadir,Markaiyo qayba ka mid ah 
Kismaayo,ayaa wuxuu ka baqay ninkaa la soo 
diray oo ay Muuse isku bah yihiin haddii is 
fahmaan labadoodu inay isu soo dhawayn karto in 
hishiis dhexmaro DFKMG iyo xaaji Muuse, taasoo 
C/qaasim u qaatay haddii ay dhacdo in daadka la 
sheegayo in uu qaadi doono asaga iyo 
bahdiisaba. Hadaba si aanay arintaa u hergilin 
wuxuu dhegta wax ugu sheegay xaaji Muuse, 
kaasoo asagoon ka fiirsan ku dhawaaqay dhismaha 
gobalka  Banaadir asagoo ku xumaynaya ninka ay 
walaalaha yihiin. Ficilkaa sayf la boodka ahina 
wuxuu sii ka fogeeyay Muuse iyodadkiisii, Muuse 
iyoDFKM intaba,taasina waa guushii uu rabay 
C/qaasim, laakin waxay ahayd rigooradii ugu 
horaysay ee xaajiga laga dhaliyo.

         C/qaasim intaa kuma ekaysane,wuxuu 
qoorta isu geliyay Muuse Suudi iyo Qanyare, 
kadib markii uu silama filaan ah uga hoos 
bixiyay gudoomiyihii gobalka Banaadir uuna 
usharax nin ay isku hayb yihiin, taasoo ka 
caraysiisay Qanyare, una qaatay in xaaji Suudi 
uu qayaanay asagoo ku doodaya in asagu uu xaq u 
lee yahay kursigaas. Si kastaba ha u dhacdee 
halkaas wuxuu Muuse Suudi ku waayay saaxibkii 
ay isku ujeedada ahaayeen,tanina waa rigooradii 
labaad ee laga dhaliyay xaajiga.

       Waxaa kale uu xaajigu qalad ka galay 
dadka u dhashay gobalka Banaadir, asagoo 
gobalka u qaybiyay soomaali oo dhan, bal 
iisheeg gobal gobalada ka mid ah oo sidaan oo 
kale loo qaybiyay ?  Jawaabtu waa ma jiro. Isku 
soo wada duub, intaas oo qaladaad siyaasadeed 
ah markay ka dhaceen xaaji Muuse ayaa 
gudoomiyihii baarlamaan ee DFKMG waxaa uu ku 
aamini waayay naftiisii, nin sidaad aragtay dad 
dadkii ugu dhawaa u goosanaya, wuxuu Shariifku 
si deg deg ah u qaatay go'aan lama filaan ah 
asagoon cidna kala tashan inuu si toos ah ula 
hishiiyo madaxwaynaha DFKMG C/laahi yuusuf 
taasoo keentay in ay si qarsoodi ah ay ugu 
kulmaan magaalada Cadan ee dalka Yemen.

         Hadaba la yaab malaha  dhacdooyinkaa 
fila waaga ah ee dhacay in Muuse iyo gaashaan 
buurtiisu ay la dhacaan amakaag iyo dhabana 
hays.  Tani waxay soo dedejinaysaa in Muuse 
Suudi markiisa la goosto, waayo C/qaasim iyo 
bahdiisu aaminaad malaha oo waxaa laga yaabaa 
in ay hoos kala hiishiiyaan C/qaasim iyo 
C/laahi Yuusuf, haddii tani dhacdana waxaa soo 
baxaaya riyadii madaxwayne C/laahi Yuusuf oo 
ahayd daadku inuu qaadidoono wasiirada 
hubaysan, waayo Kismaayo waxa u hayo ina 
adeerkii Bare Hiiraale, Baydhabana waa kaa 
shalay hishiiskeedii lagu kala saxiixday 
magaalada Cadan, maxaa kuu diidaya in Xamar ay 
ku jirto ( O ) oo laga baqo in dhinac kasta 
laga soo galo.

            Marka waxaa haboon, intaan xeerada 
iyo fandhaalku kala dhicin in xaaji Muuse uu ka 
faa'iidayto fursadii ugu dambaysay oo ah  inta 
uu C/qaasim kaaga hormarin xod xodashadaan la 
heshii dadkaaga aad maalin walba baada ka 
qaadaysid iyo dowlada  aad adiguba wasiirka ka 
tahay oo ha u horseedin dagaal lagu hoobto 
shacbiga maatada ah  ood mar walba madaxooda ku 
faanto. 
Waxaan jeclaystay in halkaan idinku soo gudbiyo 
maanso gaaban oo xambaarsan fariin aan xaaji 
Muuse farta ugu fiiqayo bal in uu is daba 
qabto, waxaana ku bilaabay :
 
Dunidaan wada faduushee
Dadku iswada falaayee
Dalkaan lakala faquuqee
Calankiisii la furfurayee
Diintiina laga fogaadee
Dumar la faraxumeeyiyo
Damiinimadu ay faantahay
Dilaagu uu fariid yahay
Dar allay u fiiqantee
Muusow Dimbigeeda ha fuuqsan.
 
Fud fudayka qaarkii
Waa lagu fidnoobaa
Ee raggaa kula faqaayee
Fooxa kuu shidaayee
Feeruhu ay buuxaan
Ogoobeey farbaa u laabane
Oo ficil kalaa ku jira
Ee fartiintayda qaadoo
Intaan fiidmeertadu ku arag
Muusow armaad ka fiirsataa
 
Geediga aad fiiraysee
Faaska aad u wadatana
Ogoobeey waa firkaayoo
Cadaw kuguma fiirsheen
Waxaad falsamida moodaa
Duul kale la foolxumee
Cidaad daba fulaysana
Beri kuuma furayaanee
Intaan firinbiga kugu yeerin
Muusow armaad ka 
fiirsataa.....W/tiriyay:A.Baraxow  
 
by: Dr. Abuukar Baraxow
E-mail : Yabaal7@hotmail.com
17-01-2006

 

Name: Xuseen M.Cabdulle"WADAD" E-mail: huswadad@hotmail.com  
City: Country:
Homepage: Date: 3-Jan-2006 19:20:09  
Message:

 
         (SOOMAALI WAA KUMA?..)
Waqtiyada Sodcaalkaa
Ayaamaha Silsiladaa
Xiliyada vbal suuree
Soo jire haddaa tahay
Saddarada dib ugu noqo
Soomaali waa kuma?
       (SACIID SAALAX AXMED)
  
Waa Run in leenahay Taariikh fog oo mudan in 
wax laga sheego ama laga qoro ama laga 
maansoodo, Sida ka muqataba Heesta Qiimaha 
badan ee Abwaan Macallin Saciid Saalax Axmed 
heestiisi Soomaali wa Kuma.
  Markaad fiiriso Heestu waa Su'aal iyo Jawaab 
Abwaanku isku wada fuuqsaday si qurux badanna u 
macneeyahay Magaca Soomaali..Waa Murti..Waa 
Sifeyn..waa taariikh sheegasho..Waxa aw 
tlmaamay abwaanka waa Wax jiro oon ku faani 
jirnay,Maantase waxaa la joogaa waqti meelaha 
qaar laga xishoodo Sheegashada Soomaalinimada.
Bal u fiirso Sifahan Wanaagsan ow ku bilaabay 
Heesta:-
Sinnaantaan la magac ahay
Sanku neefle ma ogoli
Inu iuga sarreyn karo
Anna garasho Sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
Ninna madax salaaxiyo
kama yeelo seetada..kama yeelo seetada.
   Bal fiiri sida fiican ow u qeexay Magaca 
Soomaali Waagii u heesta allifaayay waxaa la 
joogay 77/78 dagaaladii Soomaali Galbeed ayaa 
lagu jiray waqtigaas..Waxay aheyd kolkii 
M.Sofyeeti oo na caawin jiray la saftay 
Barbarka kale..Marka heestu Waa guubaabo,waa 
Digniin..Waa Run sheeg.
  Haddaba Sifahaas quruxda Badan anagoo laheyn 
oo dhaba maxaa keenay inaan maanta noqonno 
Isuma taliso..Isma xilqaanto..Isma 
xurmeeyso..Isma qadariso..aan ka ceebsan waxa 
na heysta..Waxaana muuqata inaan mujinnay 
Cagsiga Abwaanku Sifeeyay..Markaad fiiriso 
Manta waxaad arkee inaa nahay meesha kaliya 
ayna Caalamka ka jirin Dawlad..
  Bal haddana Jalleec Sifaha kale ee Abwaanku 
ka bixiyay Magaca Soomaali:-
Inkastoon Sabool ahay
Haddana waan Sarriigtaa
Sacabada ma hoortsado
Saaxiib nimaa nahay
Cadawgeeyga lama simo
Soomaali baan ahay.
   Markaad beydaan si dhaba u dhuxdo waa Run 
waxaa ku soo baxaayo inaa nahay Sabool laakiin 
waxaa nahay haddana Sida kale..Wa Marekaad 
fiiriso Qayraadka Rabbi na siiyay, Markaad 
fiiriso Wadamada aan u qaxno badankood waa ka 
kheyraad fiicanahay marka laga reebo Mad 
MaSKAXDA IYO Warshadaha.  Haddaba aaway Sifaha 
abwaanku bixiyay waxaad arkeeysaa inaan turnay 
Sarriigashada uu Sifeeyay Macallin Saciid oo 
Gacmaheennu meel kasta hoorsan yihiin MADAX IYO 
MAJABA..Waxaabana kala garan la'nahay waa Kuma 
Saaxiibkeenna dhabtaa keese ah Cadawga aanan la 
simeeyn Saxiibka?..Markaad fiiriso taas Waxaa 
kiuu sooo baxaayo in kan qolo naga mida Saaxiib 
ku tilmaanto qolo kale Cadaw u aragto... Waxaad 
arkeeysaa iyadoo maalinba meel lagu gubaayo 
Calan dawladeed..Marka taas waxay ku tusee in 
ay isaga keyna MILQEEN Saaxiibka iyo Cadawgaba.
  Bal haddana fiiri Sifaha Abwaanka Ustaad 
Saciid Saalax:-
Nabaddaan u Sahanshaa
Colaaddaan ka salalaa
Sooma joogsado goobaha
Ninka Nabarka soo sido
Gacantiisa kama sugo
Dabeyshaan la socod ahay
Sal fudeydna uma kaco
Waabaay Sunaan ahay
Marna SAma wadaan ahay
Samir baan hagoogtaa.
   Haddana Qaybtaan markaad fiiriso waxaad 
fahmeeineey tahay SILLAN SUGAN maxaa yeelay 
Beydadka ayaa iska soo horjeedo Waabaay sunaan 
ahay marna sama wadaan ahay Samir baan 
hagoogtaa, Waxaa ka muqdo waxa Abwaanku 
sifeeyay qayb ka mida ineey naga suushay.  Bal 
eeg waxaa la waayay Kuwii Nabadda u istaagi 
lahaay oo Sahanka u ahaay waxaa la wada noqday 
Kuwa Salfudeyd u wada kaco.. Waxaa yaraaday 
Samawadayaashii Waxaa dhumay Samirkii.. Waxaa 
Ceel dheer aan la gaarin lagu turay 
Nabaddii..Waxay ila tahay in maanta ay dhuntay 
Wadaniyaddii waxaana qabaa in 60% haddaaneey 
kaba badneyn in loo wada hanqal taagayo Waddamo 
shisheeye oo ay dadyaal kale dhisteeniyo Gacma 
hoorsi (Ceyr qaadasho Doonasho). Shalay ma 
jirin Qatartaan maanta timiod ,kii Dibadda adaa 
waxuu ahaa mid waxbarasho u baxo waxa uu soo 
bartayna Wadanka dib u geliyo, iyo mid Xoogfsi 
u baxo waxa dhididkiisa uu ku keenana wadanka 
ula soo huleelo..Maantase waxaa muuqda Hijra 
Jamaaciya oon soo noqosho laheyn ama ayba yar 
tahay inta laga raja qabo Soo noqoshadooda.. 
Dhallinteennu Waxay noqdeen kuwo ku dhamaado 
Badaha ama Saxaraha iyagoo bartilmaameedkoodu 
yahay inu ka tallaabo qaaradda Afrika amaba 
Asia,Kuwa meelahaa jirana Rabi ayaa og 
Xaalkooda..
  Waxaan Rabi ka Rajeewyhaa inu na daba qabto 
nagana saaro dhibaatadaan dheeraatay oo nagu 
habsatay.. Waana mid aan ku lisannay 
Gacmaheenna.. waa Cidna uma maqna Ceelna uma 
qodna..
Waxaan ku soo koobaa Qormadaan Beyd kale oo ka 
mida Murtida qiimaha badan ee Abwaan Macallin 
Saciid Saalax..  Yaa Salaam yaa salaam Ya 
Ustaad Saciid:-
Ninkaan teeydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida Dunida qaarkeed
Sanduleynta ma ogoli
Ninna kabaha uma sido
Ninka iga sed roonow 
Siintaada Magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana orean sasabo badaw
Dareen Seexda ma lihiye
Soomaali baan ahay.
    Qaybtaan ineey Fasirtaan waxna ku qaataan 
waxaan u deeyhaa Bulshada Akhristayaasha.
                 Dhammaad.
                   Waxaa Qoray:-
                  Mr.Xuseen M.Cabdulle"WADAD"
                   Email:-huswadad@hotmail.com

 
Inkastoo dhir xoogliyo 
Dhammac yaab leh lagu shido
Ma dhadhaar nuglaadoo
Sida dheylo Suulkiyo
lagu goosto dhooshoo
Hilib laga dhigtaa jira!!!
         M.I.Warsame "HADRAAWI"
   Waxaa la soo maray Maamulo kala duwan oo 
midba si ahaa,Waxaa la soo maray Gumeeysi 
adag"ISTICMAAR", waxaa la soo maray waayo ka 
horreeyay oo Qabiilku ahaa Saldanad, oo isagu 
ahaa waxa kala hayo dadka,waxii dhib ahoo 
dhacana xalliya ,waxaa yaraa waayadaas aqoonta 
marka laga reebo midda dhaqameed ee markaa 
jirtay.
  Waxaa hubantiya in isticmaarku berigow yimid 
la yimid dhib aad u culus oo nafsi iyo cadali 
iyo macnawi kaleba lahaa,isagoo haddana 
adeegsaday Fikrado u suurta geliyay Hamigisii 
Gumeeysi.  Waxuu kala qaybiyay Qabaa'ilkii 
dhaqanka iyo degaankuba ka dhexeeyay, waxuuna 
dhex dhigay Soohdimo laysuma galaan ah iyo 
colaado aan dhamaad laheyn,.
  Kolkaas kadin wxaa ka dhidhiyay oo u kacay 
waxgaradkii kolkaas jiray oo bilaabay is 
abaabul iyo is nadaamin iyo is hubeyn, waxayna 
u midoobeen sidii ay isaga tuuri lahaayeen 
Heeryada Gumeeysiga, dhib badan,dhiig badan oo 
daatay iyo Naf hrid kadib waxaa suurta gashay 
in isticmaarkii ka huleela Dhulka, si dhib 
yarna kuma imaan Xorriyaddii Labadii Gobel ee 
xuroobay.
  Ka gadaal wxaa xigay Maamuladii labada ahaa 
laga bilaabo 60--91dii,Kolleey waxaa hubantiya 
in ay wax ku maamulayeen waxyaabihii ay ka 
dhaxleen Isticmaarkii, haba kala kululaaden 
dhibka ay geeysanayeene.
   Kii bilawday 69kii-91kii kuma bixin si dhib 
yar sida kii ka horreeyay oo ku baxay Inqilaab 
cad oon dhig ku daadan, Waxaa qumaneyd in la 
maro Waddo Abaabulan oo Qarameed illeyn dhibka 
waxuu hayay Soomaali badankeeda, waxaa abuurmay 
Jabhado ku dhisan Qabyaalad,waxaa ka haboonaa 
in ay noqdaan kuwa aan Qabiil ku dhisneyn si 
waxa ka dambeeyo u noqdaan wax nacfi leh, taas 
waa la waayay Nidaamkii waxuu ku baxay Is dhex 
yaaac Qabyaalad iyadoo aaney jirin 
istraatiijiyad habeysan lana eegin waxa ka 
dambeeyo, Bixitaankiisa waxaa ku baxay Tadxiyo 
badan iyo dhiig badan o ku daatay, si kastaba 
Nidaamkii meesha ka bax ee maxaa ka 
dambeeyay..? Waxaa ka dambeeyay waxaan wada 
xasuusanahay in Qaranimadii dhuntay welina la 
garan la'yahay meesha ay gaartay oo laga soo 
qaban karo.. Waxaa dhacay waxii dhacay oon 
iswarsi laheyn..Waxaa la waayay cid badbaadin 
karta dhiigga daadahaayo micna la'aanta.. waxaa 
yimid anaa kaaa mudan iyo anaa kaa mudan.. 
Waxaa yimid gaw iyo gash ma leh.. Waa Bannad 
ciyaarta haddaanan anigu hogaamineyn..Waxaa 
xigay Shalaad iga bannaday anna maantaan kaa 
bannadaa..Waxay keentay in wax walba suurta 
geli waayaan.. Waxay maree 15sano.
  Waxaa suurta geliyay dhiigagga daadanayo 
ineey Joojiyaan waxay ahaayeen uun Gobolada 
Waqooyi taasna waxay ku suurta gashay markoodi 
hore ayay ahaayeen dad dhaqanku ku dambeeyo o 
aanu ka suulin sida Koofurta, kalkaas Odayaasha 
dhaqanka ayaa la wareegay hawshii xasiliyayna 
iyagaana keenay in Gobolladaas ay degenaadaan 
waxaana haboon in loogu Hambalyeeyo guusha 
nabadgelyo ay gaareen iyo kala dambeynta ka 
jirto.
   Nasiib darro koofurta waxaa laga waayay 
Madax dhaqmeed awood u leh ineey hakiyaan waxa 
socday welina taagan..waana taas sababta 
keentay in weli lagu jiro is dhexyaacii 
Bilawday 90kii..
   Dhawr jeer ayaa laysu tegay lana Sameeyay 
Dawlado ku meel gaar ah middoodna ma hanan nus 
ka mida Xamar..waxaa weli taagan Bannadaadii 
bilaabatay 91kii.. 
  Waxaa meesha ka baxay taladii 
Aqoonyahan,Culumaa'udiin,Oday dhaqmeed,iyo 
taladii Ciidan ee dhaxal galka aheyd, Hubkii 
waxaa la wareegay Shacabka oo ay adag tahay ka 
soo celinteda..Haddaba si arrimahaas wax looga 
qabto waxaa loo baahan yahay in la geliyo Juhdi 
weyn oo xambaarsan xel aqooneed iyo isku dubni 
wadareed oo haddaan la helin aanan shaagma 
rogmaneyn..Waxaa lagama maarmaan ah in la helo 
Kalmo Dawliya si dadka hubla looga dhigo taasna 
qofku waxuu u baahan yahay Damaanad naftiisa 
inuu helo iyo in laga siiyo lacag loogu bedelo 
tii aw ku iibsaday hubka uu gacanta ku haayo.. 
waxaa habboon in la sameeyo Jiheeyn loona helo 
qofka qoriga haayo meel uu ku bedesho qoriga 
waxa uu ku helaayo...dadkana loo sheegaa in ay 
hubka dhigaan Qalinka iyo Yaambadana qaataan.
  Waxaan ku soo hoorihaa qayb gaaban oo ka mida 
Maanso u Hadraawi tiriyay beri uu tegay goobo 
ay dagaallo jabhadeen ka socdeen soona arkay 
dhibka xabadda leedahay, maansado aad ayay u 
dheertahay aadna waa u qiimo badan tahay 
waxaanse ka soo qaatay beydadkaan hoos ku qoran
Haddii Seefo loo iisho
Ushu weey sabooshaaye
Ha ku dagan sidsidadkeeda
Qalinkaa wax sureeya
Kugu simi halkaa doonto
Sunto fara ku heyntiisa
Weligaa ha sii deyn.
                 Waxaa Qoray:-
               Mr.Xuseen M.Cabdulle "WADAAD"
               Email:-huswadad@hotmail.com