|
Waxqabadka
midowga maxaakiimto waa tilaabo horuumar leh
Waxaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo waxqabadka Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah ee Caasimadda Soomaaliya iyo gobolada qaarkood lawareegay
maamulkooda .Aniga waxaan u arkaa tilaabooyinka ey qaadaayaan Maxkamaduhu
iyo góaamada ey soo saaraayaanba kuwo horay loogu tilaabsahaayo soo celinta
nabadgelyada,nidaamka, kaladambeynta iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed
kuwaasoo dhunsanaa muddo kabadan 16 sano.Markii aan tusaalo yar ka soo qaato
wax qabadkooda waxaan wada ognahay iney Xamar iyo gobolada ey maamulkooda
lawareegeen ey muddo yar ku soo celsheen nabadgelyadi goobahii ku caanbaxay
nabadgelyada xumadana ey maanta yihiin ku shacabku ku lugeeyo iyaggon wax
cabsi ah qabin magaalada aadan ku arkeyn maleeshiyooyinki ku caanbaxay dhaca,
kufisiga,jirdilka iyo wixii xun oo dhan qofwalbana ey nabad ku jiisaheyso
nabana ku soo kaceysoo tasso qofka 16 jirka owna horay u arkin.waxaakale oo
jirto in qofka wadanka dibbadda uga maqan owna sisahlan u rumeysan karin
haddana dhab ah.Waxaakale oo kamidah guulaha Maxaakiimtu gaareen furitaankii
garoonka dayuuradaha iyo dakaddacaalamiga ah iyo welibo magacaabidii labada
maareeye ee labada ilo dhaqaale,waxaa iyadana xusid mudan sameynta waaxda
socdaalka oo iyadana muhim u ah soo celita nidaamka dalka lagusoo gelaayo,waxaa
iyadana tilaabo guul ah iigu muuqato mamnuucidda kulama siyaasadda haddii
aan laga helin ruqsad maamulka midowga maxaakiinta taasoo xal u ah isbarbar
yaacidii kajirtay dalka wakhtigii lasoo dhaafay loona baahanyahay in la
xakameeyo.Waxaa iyadana wax loo baahanyahay eh talaabada lagu joojihaayo in
dadka ajnabiga ah iska soo galaan dalka ruqsad la’aanta taasoo iyadana loo
baahnay in laxakameeyo shacina laga soo saaray. Arinta iyadana aadka loogu
baahnaayay waxey eheed soo celinta cadaaladda oo bilaabatay taasoo ah in
maxaakiimtu ku dhawaaqday isu celinta hantida lakala heysto iyo arrintaas
maxkamad u gooni ah loosuubidoono taasoo ey ku dhiciwaayeen maamuladii ka
horeyay.
Tilaabooyinka maamulka maxaakiimtu qaadaayaan waxaan u arkaa iney
yihiintilaabo horay loogu qaadaayo soo celita maamul caafimaad qabo oo kala
dambeyn leh loogana gudbaayo is barbaryaacii iyo xusulduubkii beenta ahaa oo
lagu dalbaayay madaxnimada.
Waxaa xusid mudan inaan mararka qaarkood arko ama maqlo qaar kamid ah
meediyada soomaalida (websiteyada,wargeysyada iyo idaacadaha) oo dulduleelo
u raadihaayo go’aanada kasoo baxo maamulka midowga maxaakiimta ey soo
saaraan,iskuna dayo iney dadweynaha soomaaliyeed kuwa joogo gudaha iyo
dibbaddaba si kale oo wanaagga iyo xaqiiqdaba kasoo horjeedo ugu micneeyaan
go’aanadaas haddii ey katahay aqoon la’aan iyo haddii kaleeyihiin ujeedo
guracan,waxaanse u badihaa iney nacaayaan xukunka toosan oo eyna arag
qaarkood iney maqlaan maahine waxaanse kuwaas u soo jidi lahay iney dadkooda
dhinaca ka raacaan kuna farxaan wixii ummadda dhibtootay dhibka bixihaayo.
Waxaan ugu dambeystii rabaa inaan maamuka maxaakiimta u soo jeediyo arimaha
soo socdo:
1-
In maamulka sare ee maxaakiimtu yeesho sabar badan hadii larabo in
umadaan dhibaatadu dilatay lagala dagaalamo duliga.
2-
In wakhtiga xadirka ah aan lagu degdegin in Xamar maamul
madaxbanaan loo sameeyo hase ahaatee abaaul xoog leh laga sameeyo
degmooyinka lana gaarsiiyo ilaa deris oo ah in kontonkii guriba loo sameeyo
maamul nabadgelyada ilaaliyo.waxeyna ila tahay in maamulka guud ee gobolka
banaadir ow si toos ah looga maamulo xafiiska sare ee maxaakiimta.
3-
In sharci degdeg ah loosoo saaro saxaafada si loo xakameeyo fowda
kajirto saxaafadda.
4-
In maxaakiimtu yeelato meediya fikradooda faafiso dadka
soomaaliyeedna u soona tebiso xaqiida jirto.
5-
In maxaakiimtu yeelato waax u qaabilsa fikrada ururita gudaha iyo
dibbaddaba si toos ahna loola xiriiri karo.
Wabilaahi towfiiq
M.M. Caddaawe (Geeddow)
E-mail
geeddow41@yahoo.com
Web site:www.cadale.com
HAMAR WAA NABAD
Waxaan socdaal
gaaban oo qaatay muddo bil ku dhawaad ah ku tegay caasimadda Soomaaliya
Muqdishow oo ey iigu dambeysay bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay,wanaana
wax layaab ah ugu naqatay sida ey u kala gedisantay xaaladii nabadgelyo ee
Nofembar iyo midda hadda ka jirto waana wax owna qofku rumeysan karin marka
loo sheego. Markii hore oon tegaayay waxey eheed meel fowdo ah oo nabadgelyo
haba yaraatee eyna ka jirin naftana aan lagu aaminikarin cabsi kajirtay
darteed.waxaadna mararka qaarkood lakulmeysay canug yar oo bunduq wato oo
kaayeelayo sow rabo kuna dhahaayo wararka kuwa ugu xun haddii aad warkusoo
celisana dhow xabbadood kugu dhifahaayo kedibna iska tegaayo usugoo aanba
umaleyheyn inow dimbiile yahay.Waxyaabaha dulmiga ah ee Xamaryiilay wax
lasoo koobi karo maaheyn.Waxaan xamar tegay 10-07-2006 iyadoo Xamar intiisa
badan ey gacanta ugu jirto Maxaakiimta islaamiga meelaha ey gacanta ku
haayaana ey nabadgelyo buuxdo ka dhigeen.Intii aan Xamar joogayna gooba
badan aa gacantooda soo galay ilaa ow Xamar oo dhan ow gacantooda soo galay,nabadgelyadiina
ey ku soo naqatay waxaa isu furmay Xamar oo dhan waxaana dabku iyagoo koox
koox ah ey ku lugeyhaayeen jidad aan cagtu marin mudoo dhowr iyo toban sano
ah waxaana dadku u dabaal degaayay nicmada Illaah siiyay oo ah soo celinta
nabadda waxaa dadku suubiyay banaan baxyo badan oo ey ku muujihaayaan
shucuurtoda iyo taageerada ey u haayaan Maamulka Maxaakiimta oo dariishadda
neecaawda nabadda u furay dadka muqdisho ku nool oo nabadgelyo laaanta ,cadaala
darada,xadgudubka iyo waxyaalaha xun xun oo dhan ey disheen.waxaana
muqdishow ka soo laabtay 30-07-2006 anigoo nasiib u yeeshay inaan
kamidnaqano aniga iyo xaaskeygaba rakaabkii soo raacay dayuuraddii ugu
horeysa oo ganacsi ee ka soo duushay garoonka caalamiga ah dayuuradaha ee
Muqdishow oo muddo kaban 11sano eyna dayuurad ka duuli.Waa illaahey mahadiis
hadii Muqdishow maanta nabadtahay.
Maxamad M.Caddaawe ( Geeddow )
Maxaa maatida Mudullood Mininkooda loogu leyhaa?
Dadka mudullood mawalaxeyna garan mawaxaa Alle ka
qaaday maskaxdii ey ku shaqeylahaayeen aaween odayaashii samadoonka ahaay oo
ku hagooga jiray dhiigga daadahaayo aaween dhallinyaradii firfircooneed oo
meesha dheer wax ka arki jirtay aaween aqoonyahanadii larabay iney bulshada
inteeda kale wanaagga u horseedo aaween culamaaudiinkii larabay iney dadka u
sheegaan in daadinta dhiiga dadka musllimka ah ee aan wax dulmiya suubin
cawaaqib xumada ow leeyahay aduun iyo aakhiraba aaween nimankii isku
sheegaayay siyaasiyiin ma weyna ka cabsaheyn carada Ilaahey mexey dadkooda u
dilaayaan. Dagaalku shalay waxow ahaay galgalato berigana waa siisiiye.
Mawaa dadka mudullood iyo madaxdiisaba kasi layihiin in dagaalku owna
leheyn wajiga loo yeelaayo oo ah argagixiso iyo argagixiso ladirir hase
ahaatee aan anigu u arko inow taas ka gedisanyahay sababta oo ah in kuwa soo
hindisay in wadanka argagixiso joogto oy la diriraayaan iyo kuwa lagu
tilmaamaayo iney argagixiso haayaan ey isku dan ahaayeen islana jireen intii
ka horeysay doorashadii guddigii Gobalka Banaadir markaas oo khilaaf soo
kala dhex galay dagaal ogayaashii Mudishow joogay kedibna ey ku dhawaaqeen
aas aaski isbaheysiga ladagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda
kaasoo ow hor boodaayay Maxamad Qanyare oo sitoos ah ugu dhawaaqay in
isbaheysigu ladagaalamaayo maxkamadaha islaamiga ah oo ow ku tilmaamay iney
argagixiso yihiin haayaanna argagixiso caalami ah oo ey gabaad sii haayaan.
Qayare si ow u fuliyo ujeedadiisa waxow raadsaday rag ganacsato ah oo
marhore xurguf dhex martay maxkamadaha sida Bashiir Raage, Cabdirashiid
Ilqeyte iyo kuwo kale usugoo isla fikradaas ka dhaadhiciyay dagaal ogayaasha
ku hubeysan magaalada Muqdishow. Markii aan dib ugusoo naqdo dulucda
maqaalka wexey aniga ila tahay in dagaalka hadda socdo ow wejigii lagu ogaay
iska bedelay oo hadda ow u muuqdo in dadka mudullood lagu laayo inta ka
hertayna la barakiciyo beledkana laga bixiyo iyadoo loogu talagalay in kuwa
dagaalamaayo oo madfaca ridaayo iyo kuwa ow ku dhacaayaba ey mudulood
ahaadaan madaxdoodana loo siticmaalo magacyo kala duwan oo uyuka lagu how
gelihaayo si ey maatadooda u laayaan waxyaabaha lalayaabo waxaa kamid ah
laba jilib oo habargidir ka mid ah oo lakala jigo labada dhinac oo la
sheegay iney dagaalamaayaan ey ku heshiiyeen in eyna iyagu isweerarin hase
ahaatee ey weeraraan dadka kale kuwaasoo kala ah ceyr iyo sacad taas waa
sidey uga badbaadi lahaayeen maatadooda madaafiicda waxaad aragtaa
dagaalkii Xamarweyne oo dhow rasaas markii leysdhaafsaday lagu heshiiyay
waxaad aragtaa dagaalkii lambar 4 oo wax yar socday ,waxaad fiirisaa
dagaalkii huriway markii dambe Maxamuud Hiraab iyo maxkamaduhu ku heshiiyeen
inaan mardambe lees weerarin.waxaasoo muduloodow wax waa ku qaada laadahay
waxaase wax ogaadoontaa marki dadkaagu u qeybsamo wax dhintay iyo dhoofay
degaanada aad ku magacaabantahayna dadkale soo degaan.
Waxaan rabaa inaan
kusoo gooyo qoraankeyga Muduloodow mar Madarkicis waa kuu talihaa hadaadan
sidaan isu dhaamin.
Waxaa Qoray
M.M.Caddaawe ( Geeddow
)
E-Mail :
geeddow41@gmail.com
Web Site:www.cadale.com
|