Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Uk ayaa waxa deeq lacageed soo gaarsiiyeen dadka ubarakacay degmada cadale kuwaasi oo ka cararay dagaalada qaraaraa ee degmooyinka yaaqshid Wardhiigley iyo Kaaraan.

Deeqdaan oo ubadneed lacago kaash ah ayaa waxa soo gaarsiiyay dadka dhibaateesan ee ku barkacay degmada cadale qaar katirsa jaaliyada degmadaasi ee kusugan wadanka uk.

Deeqdaan oo aheed tii ugu horeesya oo ceenkaan oo kale ayaa waxa soo dhaweyay indheer garadka ku dhaqan degmadaasi iyadoo alle looga baryay in uu jisadeedaa siiyo isla lmarkaana walaalaha kale ee lamidka ah jaaliyadaan loogu diray baaq ay ugu dayanayaan dadaalka jaaliyada reer uk ee Cadale.

Kabarakacyaasha Dagaalada Muqdisho ayaa deeqaha ay helaan un ubadan dhinaca qura halka ubarakacayaasha Tuulooyinka iyo Daafaha Degmooyika Warshekh iyo Cadale aysan jirin cid si dhab ah wax ugu qabatay.

hadaba dadaalka Jaaliyada Soomaalida uk ee asal ahaan kasoo jeeda Degmada Cadale ee Gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay noqoneesa Door taariikhi ah oo lagu Xusuusan doono Jaaliyadaan kolka dhibka dhamaado oo xiligaanina ay tahay xiliga lakala garto saxibka dhaw iyo midka fog .waxaan rageyheynaa in jaaliyadaha kale reer Cadale oo aduunka ku baahsana iney ku daydaan walaalaha reer U.k oo bilaabay talaabo waxtarleh waana ku mahadsantihiin.

Xigasho bogga Warshiikh