Barnaamijka Ila Qosol

 

 

Waxaa jiray dhalliyaro saaxibo ahaay oo reer Boondheere ahaay salaada maqribka iyo tan ceshaha ku wada tukajiray masaajid ku yiilay suuqa af leyrshe ee Degmada Boondheere. Masaajidkaas waxaa lagu akhrijiray cawada arbacadu soo geleyso manaaqib inta u dhexeyso salaadda maqribka tan  iyo ceshaha marki ceshaha ladukadana waxaa la qeybi jiray qurbaan ka koobnay rooti  xalwo ku dhex jirto. Cawo Cawooyinkaas ka mid eheed aa mid ka mid ahay dhaliyaradii saaxibada ahay aa soo daahay waxowna masaajidka soo galay iyadoo lagu jiro ragcadii ugu dambeysay ee salaada ceshaha waxowna kuxirtay salaadii jameecadhii tukaheysay (waxowna qalbiga iska yiri usugoo ka fikiraayo qurbaan salaada kedib labixihaayo) waxaad begidoontaa salaadda inta imaamku ow duceyhaayo mase naqan sidii ow qorsheystay waxaana lagalay qurbaan qeybinti intii ow salaada ku jiray waxaase intaas kadaran markii ninkii qurbaanka qeybihaayay oo qofwalbo oo masaajidka joogtay siiyay laba xabbo oo rooti ah markii ow usuga aktiisa maraayayna hal xabbo oo rooti ah u dhiga aktiisa markaasey la ahaa weysa inuu sugo inta salaada ow ka dhameysaayo, ninkii qurbaan qeybihayay oo meel aktiisa maraayo ow farjucin ugubaaqay markii ow ninkii soo jeesta usugoo layaabay ninkaan salaada ku jiro ee haddana fajuciska ku baaqaayo markaasow xagiisa u soo jeestay  ninkii salaada ku jiray aa hal far oo gacantiisa kamid ah taagay nuuxnuuxiyayna usugoo kawado waxa la qeybihaayo hal rooti maahee waa lamo lamo usugoo markaas laba farood ugu timaamay hadane markale far ku timaamay maashi ow dhigilahay xadabka kale rootiga ah ee ow ka qayaani rabay markii ow arkay in rootigi lamaadna meeshi loo dhigay salaadiisi iska sii watay.