| Sheekadu waxey ku socotaa laba qofood oo
isqabo ninka magaciisu waa Raage hooyada magaceedana waa Raaxo waxa
sheekeydoonana waa Raage waxowna ku bilaabay.
QEYBTA KOOWAAD
Maalintu waxey eheed Arbaco wakhtiguna
waxow ahaay galabgaab waxaana salli kasuubsan caawda maliiqada loo yaqaan ee
aadka u jilcan kula fadhiyay hoos galbeed derbi dheer oo laba mitir iyo nus
ah oo gurigeyga ku wareegsanaay, dhismaha gurigu waxow ahaay kuwa loo
yaqaano (villa) derbiga korkiisana waxaa ku wareegsanay silig usugana
dhererkiisu ahay hal mitir iyo nus kaasoo lagalahaay lamo ujeedo midda hore
oo eheed in qofkii darbiga soo koro owsan si deg deg ah ugusoo gudbin guriga
gudahiisa, tankalena waxey eheed in geedaha faafo ee nacfigana leh lagu
abuuru derbiga aktiisa si ow u qabsado derbiga kedibna ugusii gudbo siligga
haddana waxaa siligga iyo derbigaba ku saabsanaa geedka loo yaqaan bocorka
oo guriga qurux ahaan bilay markii aad fiirisana waxaa kuu muuqahaayay
caleemo waa weyn oo cagaaran iyo fiido madabkoodu isugu jiray caddaan iyo
hudur muro cagaar ah.
QEYBTA LABAAD
Markii aan ku soo maqdo salligii maliiqada ahaa oon ku
fadhiyay waxaa meel midigteyda ku aadan yiilay Radio iyo maastaro isku jir
ah ama isku suubsan oo medebkiisu ahaay gaduud noociisana ahay (National
Panasonic) oo wakhtigaas ahay kan soomaalidu ugu jeceshahay raadiyayaasha
jiray sababta oo eheed idaacada bbc oo si fasiix ah looga maqlijiray
idaacadaas oo eheed dhegta keli ah oo soomalidu warka ka maqlaan iyagoo
marwalba u qaadajiray iney wax walba runta ka sheegto,waxaan raadiyahaas la
sugaayay inta idaacada ey ka soo geleyso iyo weliba barnaamijka todobaadka
iyo Afrika oo ey badanaaba ku soo qaadajireen wax yaalaha ka dhaco
soomaaliya inta aan ku maqnaay istootoosiska ey isheydu qabatay ilmo yaryar
oon dhalay oo ku dheelaayo meelaan iga dheereyn uyukoo marwalba
israacdeysahaay anigana aan celcelis ku haayay si eyna saliga iigu soo gelin
uyukoo lugahooda qoyanyihiin waxaa meel uyukana xoogaa u jirto aad u
mashaquulsaneedhooyadii guriga iyo gebdhaheeda oo ku howlanaa diyaarinta
afurka maadaama aan ku jirnay bisha soon ee barakeysa isla markaasna aan
cawadaas qabnay subac soon oo ey noo imaahaayeen wadaado subaca akhriyo oo
ey ku jireen macalimkeyga dugsigs quraanka iyo kan xaaskeygaba intii aan
fikirkaas ku maqnay aa anigoon ogeyn saacadii idaacada aan dhegeysa lahaa
lagaaray waxaanse inigu aad u daneyhaayay waxow ahaa barnaamijka ka
dambeeyay idaacada oo ah todonaadkii hore iyo afrika oo aad ugu tixnaay
markaasaan sidegdegu ku jirto u taagay gacanteyda midigta ah xagiisa si aan
u soo qabsado raadiyihii yiilay dhinaceyga isla markii aan soo qabo islahay
aa iridda hore ee guriga lasoo gawgawiyay weliba laraacsiiyay dhawaq ah (
hoodi hoodi ) markaas ku jawaabay ( Hoodeen ) una timaamay ilmaha iney
furaan ganjeelada guriga.
QEYBTA SEDAXAAD
Markii lafuray ganjeeladii
waxaa soo galay adeerkey oo baadiyo kayimid ilmahana waa u wada haanyoodeen
(waa salaan waalidka iyo il mahooda ka dhexeyso) anigana waxaan kasoo booday
saligii aan ku fadhiyay si aan uga hortago adeerkey intii aan ku maqnaay
salaantiisa ey ilmaha u soo diyaariyeen wanbar ow ku fadhiisto wanbartu waa
gember ka suubsan maqaar xoolaad oo ah meesha salka ladhigahaayo iyo afar
lugood oo geed laqoray ah lana xardhay waxeyna u soo dhigeen meen midigteyda
ku aadan oo saligii aan ku fadhiyaymidigtiisa ah markii ow salka wambartii
ku negeystay aan si fiican u dayay waxaana wejigiisa ka muuqday noog
farabadan iyo tabar darro taasoo u maleyhaayo iney sabab u eheed jidka dheer
oo ow soo maray iyo soonka ow soonaay intaas kedib waxaan bilaawnay inaan is
warsano waxow ii sheegay in baadiyihii ow ka yimid dad iyo duunyabo lagu
nabadqabay daawguna ahaay mid aaran ah oo cagaar iyo biyaba xooluhu ka
dhergeen dadkuna caanaha meel ow kala dhigo waayay.Intii aan isweydiinta ku
jirnay aa ilmahii qaarkood oo kala ordaayo yimideen uyukoo abkowgood u
sheegaayo in ow musqusha galo si ow u soo qubeysto si daalka uga yaraado
Qeyta
afaraad
Markii
ilmaha u sheegeen abkoowgood inow qubeeys aado aa wijigii ciyowba farxad
kasoo muuqatay waxowna bilaabay inow meel midigteyda ku aadaneed oo saliga
aan ku fadhiyay ka mid eheed ow qalabkii ow watay gobalkiis dhigto. Qalabkii
ow dhigtay akteydana waxaa kamid ahaay kiish maqaar ka suubsan oo lagu rito
waxyaalo yaryar oo qofku ow u baahanyahay inta ow socdaalka ku jiro amaba oo
kulyoon u baahanyahay waxaana ka mid ah (sakiin ama lameeto sida qofwalba ow
u yaqaan) taasoo qofka ow u isticmaalo ger iyo madax xiirashada ,waxaa kale
oo lagu ritaa sadiibo (taasoo ah bir yar oo leh af wax lagu siibikaro)
waxaana loo isticmaalaa in lagu siibo haddii ay odax ku muddo,waxaakale oo
isticmaalkeeda ka mid ah in haddii tuur meel aadan rabin kasoo baxo far
dheeraad kugu naqdo in lagu siibo.waxaa kale oo kamid ah waxa lagu qaato
cirbad iyo dun kuwaasoo loogu talagalay in lagu tolo haddii ey maradu kaa
jeexanto inta aad socdaalka ku jirto.waxaa kale oo lagu qaadajiray beesada
tan sanuuda ah iyo midda xaanshada ah iyo waxyaalo kale oo yar yarow ah oo
qofku ow u baahanyahay.kiishka aan kor ku soo xusay waxow ku xirnaay ama ka
raaracay suun maqaar ah oo sifiican loo xardhay waxaa kale oo suunka ka
raaracay middi toorey ah oo leheed gacan qabsi gees xoolaad laga suubiyay oo
aad u qurux badan batina lagu xardhay,markii aan qalakii isha ku wareejiyay
waxey kale oy isheydu qabatay maro shanley ah oo ow saarnaay taraash aad u
quruxbada kaasoo u dhexeeyaydarafta marada iyo raanta la bixiyay isla
marada,.inti aan ku maqnaay fiiriska qalabkii ow akteyda dhigtay adeerkey aa
waxey idhaaftay bbcdi aan sugaayay hase ahaatee waxaan hasiko ugugaaray
barnaamijka todobaadka iyo afrika oo wakhtigaas aad loo xiiseyjiray.Anigoo
weli ku jiro dhegeysiga raadiyaha aan waxaan dib u xusuustay markii aan
isbaranay Raaxo oo ah hooyada ilmaheyga.waxeyna ka muuqatay meel horteyda ah
iyadoo ku mashquulsaneed diyaarinta afur loosuubihaayay macalimiin subac
soon noogu imaahaayay sidii horayba u soo sheegay
Qeynta Shanaad
Maalintu waxey eheed Khamiis saacaduna waxey eheed ku dhawaad sagaal saac oo
galabnimo jawiguna waxow ahaay mid aad u kulul waxaana ku jirnay jiilaal
dhexbartankiis, badanaa markii aan iskoolka ka imaado oon qadeeyo xoogaa waa
indha guduudsajiray ama waa seexa jiray si aan wax yar u nasto maalita aan
kor kusoo xusay markii aan qadada cunay oon qolkeyga galay aan lahurdiwaayay
kuleyl markaasaan soo fadhiistay derbi gurigeyna kasoo horjeeday oo hoos
galbeed yar u soobaxay, waxaa hortey meesha ku leyrsahaayay igaar aan isku
xaafad eheyn oo usuga badanaaba meesha fadhiisto ahayna cidda leheed guriga
aan hoosgalbeedkiisa fadhinay unukoo eyna naga qasneyn sheekadana
noobaxeysay kana sheekeyheyna filin ka socday cawadaas shaneemo misyooni iyo
sidii aan ciyow u tegi laheyn inta aan labuuxin unukoo sheekadi ku
mashquulsan aan waxaan meel horteyda ah ka arkay gabar socoto markaasaan
joojiyay sheekadii deymana u naqay gebertii horteyna socotay waxaana markale
isha u naqay waxey eheed gabar dhaliyaro ah oon markaas ku qayaasay iney
da'deedu eheed toman iyo sideed ilaa toman iyo sagaal,waxey eheed qof
dhuuban oon hilib badan saareyn kuna dhaweykaro xayeesinimo(caatanimo)
medebkeedo ahaay madow nuuraayo oon mugdi eheyn waxey guntaneed maro sameys
ah (alindi) oodarafta hoose ku leheed sharaxaad loona yaqiin markabley kona
waxey kawadatay garbasaar cad oo usugana reedaha naqshado ku lahay iyo
fasaleeti aad u quruxbadnay oo madaxa u saarnay iyo kobo saandalo ahay oo
gadaal ilaash ku lahay madabkooda ow cad ahaay intii aan fiirikeeda ku
maqnay waxaa kale oo iimuuqday buugaag xoogaa ah oo aan tiradooda si fiican
u arkeyn oo ey ku wadatay babalka gacanteeda midigta ah oo nasoo xigtay
anigoo weli ku maqan fiiriskeeda ey iga miriqday iyadoo kusiisocotay jidka
oo markaas jiiro naga galay.Igaarki ila fadhiyay intaan geberta fiiriskeeda
ku maqnay usuga sheekaddi filimka ow iskasiiweday anigana waxaan soo
baraarugay sidii qof hurdo kakacay markii gebertii iga miriqday waxowna
ogaaday inaanba sheekadiisa la socon.waxaan ku dhahay saaxib sheekada hanoo
dambeysee geberta hoteyna soo martay mataqaan? Waxow iigu gawaabay ma’aqaano
laakin galabwalbo jidkaan ey soo martaa markaasaan qalbiga iskala waramay
oonisku iri Raagow waai naad gabertaan barataa.
|