|
Maxaa nabadda xamar cirbad ceel ku dhacday ka dhigay
Waxaan rabaa inaan wax yar ka
iraahdo xaaladda aan kor ku soo sheegay anigoo daba joogo qoraal bogga
Dayniile ku soo baxay oo ahay (Beesha USC oo ka dhamaan la`sameynta ururo
aan laheyn waxqabad) oon aniguna aan leehay suubinta guddiyo aan wax lagu
dheefin.
Waxaa aniga ii muuqato in dadka
deggan Xamar ey eheyn dad dantooda yaqaano run ahaatiina aan ku fikireyn in
magaaladaasu nabad naqato, waa dad aan ku xisaabtamin xaaladda dhibka
badanleh oy maalinwalba ku suganyihiin sidii ey uga bixilahaayeen waxeyna
qafas ama xero ugu jiraan dad dantooda u arko in silicaan lagusii jiro
kuwaasoo aan u arkaayo iney kala yihiin
1-Nimanka siyaasiyiinta isku
sheego ama wasiirada hubeysan hase ahaatee weli magacoodi hore wato oo ahay
dagaal ooge taasna aad ka fahmeysid ficiladooda.iyagoo dhegta loogu sheegay
in haddii ey dalka ka dhalato dowlad sharci ah ey weyhaayaan xoolaha iyo
saldanada ey hadda heystaan welibana lagula xisaabtamidoono ficiladii ey
geysteen intii dalku dowlad laàanta ahaay kuwaasood arkeysid markii aad
istiraahdid nabadaa soo dhaw qeelo dhaan aan waxba ka jirin u ololeeyo
dadkana ku jaha wareerio si aan looga fikirin wax qabad la aantooda tusaale
ahaan balankii ey ku qaadeen iney Xamar iyo nawaaxigiisa ka qaadaayaan jid
gooyoyinka nabadna ka dhigaayaan arrintaasoo soconweyday wax cudurdaar ahna
aan shacbiga la siin shacbiga naftiisa isweydiin meeshi ey ku dambeysay
arrintaas.
2-Meediyada Xamar sida (Raadioyaasha,
Tvyada .Wargeysyada iwm) oo kuligood u shaqeeyo dana gaar ah leeyihiina dad
gaar ah weligoodna aan u sheegin dadka dhegeysto waxa runtu tahay sheegana
oo kali ah waxa ninka leh iyo jufadiisa u dan ah majiro ogaantey mid ka min
ah meediyadaas aan kor ku soo sheegay oo dadka ku hanuuniyo dantooda iyo
sidii ey isaga qabanlahaayeen kuwa af duubka ku heysto majiraan doodo leesa
horkeeno dagaal ogayaalka iyo shacabka.
3-Ururo isku sheego iney bulshada
wakii ka yihiin hadana aan wa qaban , si toos ah ama dadban ula shaqeeyo
dagaal ogayaasha weli ma maqlin mana arkin banaan baxyo ey qabanqaabiyeen
kuwa isku sheegaayo iney bulshada Xamar wakii ka yihiin oo looga soo
horjeedo falalka gurracan oo ey ku kacaan dagaal ooga yaasha mamaqlin ayagoo
migrofana qaatay oo bulsha ku hanuunihaayo sidii afduubka lagu heysto uga
bixilahaayeen.
4-Maxkamado isku sheego iney yihii
Islaami hase ahaatee qabiili ah oo u shaqeeyo danaha qabiilada ey ka soo
geedaan kuna been abuurahaayo diinta islaamka waase si ey raliga dadga
masaakiinta ah oon wax garan uga faaiideystaan tusaale ahaan maxkamad ka
falgelikarto majirto meel ama deegaan owna degganeyn qabiilkooda wase hubaal
ah in maalin maalmaha ka mid ah lagula xisaabtamidoono ficiladooda guracan
Xaalka Xamar aniga sidaas ow iila
muuqdaa waxaase isweydiin leh dadkaasu wax maku heshiinkaraan oo eheyn in
xaaladdu sidaas iska sii ahaato?
Markii aan u soo naqdo ururka USC
waxey aniga ila tahay in dadka urukaas ku abtisado eyna weligood wax ku
heshiinkareyn haddii ay ku heshiiyaana eyna fulikareyn taasoo ey sabab u
tahay dadkaas oon isku ujeedo eheyn iskudanna eheyn ururka waxaa ku wadajiro
dad rabo in wadciga hadda lagujiro laga baxo dowlad qarana lahelo,waxaa kale
oo kujiro kuwo dantooda u arko in sidaan lasii ahaado oo qorsho walbo oo
nabad lagu gaarikaro kala daadihaayo qoshahooduna yahay inaan dowlad la heli
iyo kuwo aanba ogeyn waxa eyrabaa marbana meel raaco
Waxaan ugu dambeystii ururkan
dadkiisa u arkaa inta rabto in dhibka lagusii jiro ey ka fificoontahay inta
rabto in dhibka laga baxo.
Qore M.M.(Geeddow)
E-mail geddow@hotmail.com
|