|
Faalo
Waxa shalay magaalada Xamar kadhacay oo eheed in qarax lalabeegsaday kolonyo baabuur ah oo ey wateen ciidamada Ururka Afrika ee u yimid Soomaaliya iney nabadda ku soo celshaan taasoo ey dadka soomaalida ah ka caajiseen muddo 17 sano ah waa arin aad looga xumaado in ladilo dad u yimid iney kuu kaalmeeyaan kuwa ku kacay falkaasna waa kuwo kasoo horjeedo ibna aadanimada,Qaranimada iyo in Soomaaliya lagusoo celiyo nidaamkii iyo kala dambeytii ka jiri jirtay fowdada ka hor.Waa kuwa aan kala kasin cadawgooda iyo saaxibkood rabana oo kaliya in dalku ow kusiijiro fowdada oo ayagu ey u maleeyaan in noloshoodu ku xirantahay saahee weligoo nidaam iyo kaladambeyba ma arag ma qeymeykaraan waxa u dhaxeeyo Dowlad iyo dowlad laàan.kuwa bamka labeegsaday ciidamada Midowga Afrika waa kuwo fal doqonimo ah sameeyay aanana ku xisaabtamin waxayabihii wanaaga ahaa oo ey uqabteen shacabka ku dhaqan magaalada Xamar intii ey ku sugnaayeen,waxey hilmaameen sidii ey dhaawacyada u taakuleyhaayeen intii ow dagaakii Xamar socday, sidii ey u daryeeleen dadkii masaakiinta ahaa ook u barakacay dagaaladii biyo siintii isbitaalada qaarkood,miina ka saaridii meelo kamid ah degmaayinka gobolka banaadir iyo waxyaabo kale oo aad u farabadan.Makii aan intaas oo dhan qiimeyno mawaxaan dhihikarnaa kuwa qaraxa ka dambeeyay waa kuwo u daneyhaayo dadka Soomaaliya?Markii aan arrintaas ka jawaabo waakuwo aan ujeedo kale laheyn ee rabo uun iney wax qasaan shacbiga soomaaliyeedna ow weligii ku sugnaado walwal,nabad laàan,dowlad laàan.waxaana arritaas ka dambeeyo dad dano gaar ah leh oo danahooda u arkaayo in Soomaaliya walbahaarkeeda isaga sii sugnaato.Waxaan tacsi u direynaa dalkii, dadkii iyo gaar ahaan qoysaskii ey ka geeriyoodeen askartaas. Arrinta ku dhacday nabadilaaliyayaasha midowga Afrika waxey isoo xasuusiheysaa tii dhacday 1993 kuna dhacday nabadilaaliyayaashii kasocday Qaramada Midoobay ee Pakistaanka u dhashay oo iyagoo mucaawino u qeybihaayo dad masaakiin ah lagu dilay magaalada Xamar. Waxaana dadka ku dhqan magaalada Muqdishow usoo jeedineynaa iney iska qabtaan kuwa kutalagalay iney wasaqeeyaan magaca Xamar kana dhigaan meel aan dad ibnaàadam ah owna deganeyn hase ahaatee ey deganyihii dad wax laayo oo keli ah waxaana ognahay in dadku ogyahay kuwa waxqarxiyo meesha ey waxdhigaayaan,meesha ey ku suubihaayaan waxyaabaha qarxo loona baahanyahay iney iyau iska qabtaan
M.Maxamuud Caddaawe (Geeddow) E-mail:geddow@hotmail.com Website:www.cadale.com
|