Calanka Soomaaliya

Your Banner

Subaca maanta dhagayso subac   

                        Inta Subac ka dhegeyso

Google search engine in Somali            News @ Google News

BBC Somali 

 |About cadale| | Contact us | Add your site  |  Forum (dooda) | Editor |

     Inta ka dhegeyso guurow

  11:00 AM
14:00 AM
18:00 PM

Somali  links

A

Amiin Caamir

B

Bakaaraha  

Balcad

BoqolsooN

C

Ceeldhee

CadaleMap

D

Daalonet

Dalka-Online

Dayniile

Djibouti Net

Duruus 

F

FIFFA WORLCUP

H

Harardhere

Hiiraan

I

Idamaale

L

La Repubblica.it

M

Midnimo.com

Q

qaadisiya.com

R

Radio Benadir

Rai

Reuters Tv

S

Shabelle.net
Spor

W

Wararka Cadale

Y

Yaaqshid


 


 

 

 

 

 

 


Maxamed Maxamuud Geeddow

 

Geeddow

 

 

Waa Maxamed Maxamuud Geeddow oo idin leh kusoo dhawaada saytka degmada Cadale. Saytkaan Cadale.com waxaan ugu talagalay dhamaan reer Cadale inaan ku matalo shabakada internet-ka oo ah meel lagu kobcin karo jiritaanka iyo taariikhda degmada Cadale iyo dadka dego.

Waxaan soo dhawayhaa dhamaan reer Cadale wixii talo, tusaale, sixitaan inay isoo gudbin karaan. Waxaan kaloo ka codsanayaa in haddii ay jiraan dad haayo taariikho ama maclumaad, ama masawiro ay isoo gudbiyaan, anigana waxaan balanqaadayaa inaan soo gelin doono saytka Cadale.com.  Haddii  aad la kulanto aqbaaro, ama macluumaad kale oo quseeyo Cadale, fadlan isoo gudbiya si aan ugu gudbiyo dhamaan dadka ay qusayso. Halkaan nagala soo xiriir. ama info@cadale.com

Magaceyga waa Maxamad Maxamuud Caddaawekuna magacdheer "Geeddow" waxaan ku dhashay magaalada Xamar 1945, degmada Wardhiigley .Waxbarashadeyda waxaan kabilaabay dugsi quraan oo ku yiilay degmada Boondheere macalikeygana waxow ahaay Xaaji Cumar Indhaguduud (Alha u naxariitee). Intaas kabacdi waxaan bilaabay waxbarashadii dugsiyada kale waxaana dugsiga hoose ee Wardhiigley bilaaba 1956 waxaana dugsiga hoose ka dhigtay Wardhiigley, Boondheere iyo Xamar- Jajab oon dugsiga hoose ugabaxay sannad dugsiyeedkii 1960-61 waxaana sanadkii ku xigay galay dugsigii dhexe oo loo yiqiin(scuola commerciale) oon usugana ka baxay sanad dugsiyeedkii 1963-64,anigoo qaatay shahaadadii dugsiga dhexe,isla sanadkii ku xigay waxaan bilaabay dugsiga sare ee xisaabaadka loona yiqiin(Istituto tecnico per ragioneri, tipo Italiano) oo ku yiilay isbitaalka Digfer aktiisa waxaana dugsigaas ka qalin jebiyay sanaddugsiyeedkii 1967-68.  waxaa kale oon dhigtay muddo labo sano ah Jaamacadii Ummadda qeybta dhaqaalaha. waxaa shaqaalaha dowladda leyqoray si kuleemgaar ah Oktoobar 1968. Waxaana ruqseystay bishii Luulyo 1986

waxaana ka soo shaqeeyay meelo kala gidisan shaqadii ii gu horeysay waxaan ka bilaabay  xafiiskii ra'iisu wasaaraha u qaabisanaa arrimaha shaqaalaha (dirizione generali del personale), meeshaas oo ka  ahaay shaqaale caadi ah. Waxaa bilawkii 1969kii leybedelay wasaaradda xannaanada xoolaha,oon kanaqday madaxa  xisaabka,tasson weday ilaa bishii Setember 1973 markaasoon muddo sanad ah waxbarasho dhinaca siyaasadda ah u aaday wadakii Midowga Sofiyeeti Meeshaasoon wax ku bartay Dusigii Sare ee Comsomoolka.kedib markii aan soo naqday waxaan waxaa leymagacaabay maamulaha xisaabaadka ee Dugsiga Xannaanada Xoolaha oo ahaay Masharuuc ey iskakaashahaayeen Jamciyadda Qurumaha iyo Dowladda Soomaaliya kaasoon ka shaqeyhaayay ilaa bishii Juunyo1977  markaasoo leysoo bedelay Xiriirka Guud ee ururada shaqaalaha soomaalia, oon kanaqday Guddoomiye ku xigeenka  Ururka Shaqaalaha Beeraha,Xoolaha iyo Macdenta waxaana isla sanadkaas ley magacaabay Guddoomiyaha Ururkaas waxaana ka shaqeyhaayay ilaa bishii Luulyo 1979kii markaasoo ley bedelay Wakaaladda

Horuumarinta Xoolaha oo loyiqiin (L.D.A.) oon ka ahaay agaasimaha waaxda maaulka iyo lacagta  taasoon ka shaqeyhaayay ilaa bishii Juunyo 1982 markaasoo Wakaaladda la baabi`iyay. Kedib waxaa ley magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wakaaladda Keenidda , Soosaaridda iyo Dhoofinta daawooyinka oo looyiqiin(ASPIMA) waxaana iyadana ka shaqeyhaayay ilaa bishii Juunyo 1986 markaasoon shaqo ka tegid dalbay leygana ogolaaday .Wixii intaas kadambeeyay waxaan iska ahaay ganacsade jeeble ah, waxaana badanaa imaanjiray wadanka talyaaniga oon wax ka qaadi jiray. Muddadii u dhaxeysay 1979 ilaa 1981 Waxaan kamid ahay Garsoorayaashii kubbadda cagta ee wadankeena. Waxaan ahay nin xaas iyo ilmo leh haddana ku nool wadanka Nederland, magaalada Breda.

 

 

 

TAHNIYO
Fikradaha
Maqaaladaha
SHEEKO GAABAN
Tacsi

Cadale online - All rights reserved                            

You're visitor number