|
Dadka yaan ladhameyn
Waxaan rabaa inaan waxyar ka iraahdo xaaladda Xamar waxa ey hadda ku sugantahay iyo dagaalada ayaanta ka socday. Waxey ilatahay inaan wakhtiga uga qaadin akhristayaayaasha maqaalkaan taariikhda dagaal ee ow soomaray Muqdishow oo in badan oo soomaalida ka mid ah ey aad ula socdaan,waxaase rabaa inaan wax ka iraahdo xaaladda dagaal ee hadda kajirto una dhexeyso Dowladda KMG iyo kooxaha kasoo horjeedo oo labaduba aan kala jecleyn xasuuqa shacbiga ku dhimahaayo,ku dhaamacmaayo kuna barakacaayo madaacfiicda ey maalinwalba isdhaafsahaayaan laba dhinac kuwaas oon wax xal ah aan lagu gaareyn. Waxaad maali walba mageysaa ciidamada dowladda aa baro muhiim kaqabsaday kooxda ka soo horjeedo,maalinta ku xigto aad hadana maqleysaa kooxa ka soo horjeedo dowladda aa kusoo naqday meelihii shalay laga qabsaday taasoo u muuqato i jiid aan ku jiidee oo wax xal ah aan lagugaareyn in uun dadka shacbiga la laayo maahine. Markii aan aragtida guud intaas uga gudbo, waxaan rabaa inaan wax iraahdo ciidamada dagaalku ka dhexeeyo oo kala ah kuwa dowladda iyo kuwa ururada ka soo horjeedo: Ciidanka dowladda ee dagaalka ku jiro malaha sida aniga ii muuqato hadaf ow higsahaayo iyo niyad wadanimo oo dagaal geliso malaha khidrad dagaal oo dhaafsiisa dagaaladdi aan qosheeysneyn ee belaha laga dhaxlay, malaha taliyayaal ciidan oo khibrad u leh dagaalka kudhifo oo ka dhaqaaq ah malaha abaabul dagaal gelin iyo wacyi geliba ah,waxey fiirsahaayaan waa mushaarka ey qaataan waaba hadey qaataane askarigu waxow rabaa inowna ku dhiman ama ku dhaawacmin dagaalka waase haddey usuurawdee.Ciidamadu malaha cid la xisaabtameyso markii xumaati sameeyaan kii kamid ah oo geffo gefkiisa laguma qaado ciidanka runta ah hadow dagaalami waayo ama ow cadawga dharka u jeediyo(soo cararo) waa latooga jiray haddana waxaad arkeysaa kuwo meeshii ey cadawga ka qabsadaan maqribka markow galo dib u soo laabahaayo una baneyhaayo ciidankii ey saakay ka riixeen meeshaas iyadoo laga yaabo iney dadbadan uga dhintee uga dhaawacmeenkuwo badan oo iyaga katirsanaa qabsiga meeshaas.Kawarqabid la’aan ciidanka waxey mararbadan keentaa iney dadka rayadka ah dhac u geystaan, waxaa kale oo taas ey keeneysaa in dad ku libisan dharka ciidamada oon ciidan eheyn ey wax dhacaan kedina losaarsho ciidamada.waxaa kale oo jiro dad dowladda ka tirsa oo haddan qorshaha dowladda ka soo horjeedo oo lugta jiidaayo.dowladda sirdoonkeeda ma shaqeeyo ama tabartooda aaba inta ah taas waxaan u leehay haddii sirdoonka shaqeylahay wax badan oo dhibaato ah oo dhcay aa laga hortegilahaay tusaale ahaan miinooyinka jidadka lagu duugo iyo tii ugu dambeysay oo labada mawaadhin ee faransiika ah ee laku afduubay oo iyagoo magac wariyayaal wato la geeyay Hoteel caadi ah meeshii Madaxtooyada la dejin lahay si looga warqabo yaase kuwa afduubay u sheegay nimankaasu ineyna suxufiyiin eheyn waa su’aal jawaab u baahan.iskusoo wada duuboo waxaan dowladda u arkaa in ey kawada tirsanyihiin dad aan isku wada dan eheyn waxa ey wax u tari ladahayna ey sidaas tahay. Ciidamada ey soo dagaal geliyeen ururada ka soo horjeedo dowladda waxey iila muuqdaan kuwo ka roon iyaga inkastoo ey u badanyihiin dad dhaliyaro hadana abaabulan ujeedada loo sheegayna iney fuliyaan diyaar u ah madax hogaamiso leh lagana warqabo qofwalba oo iyaga ka mid ah meeshii ey dagaal ku qabsadaana heysa karo oo aan dib ulaaban ilaa xoog looga saaro waxeyna leeyihii sidoon aad u shaqeeyo.waxaana ciidamada dowladdu qabaan cuqdadah iney xabadda ka cabsan diyaarna u yihiin iney dhintaa ama ey waxdilaan laba joorna ey faa’iido joogaa hadey dhintaan waxaa loo sheegay iney janno gelaayaan xuurul ceytuna sugeyso hadeynoolaadaan ajir helaayaan,hase ahaatee waxaa la ogaaday arrintu ineyna saas eheyn oo ey iyagaba ey dhimashada ka cararaayaan waxeyna taas cadaatay dagaakii ey amisom lagaleen,waxaa kale oo yadana cadaatay iney biliqeysteen guryihii ku yiil meelihi ey qabsadeen looguna sheegay iney qaniimo ey heleen tahay. Gaba gabada maqaalka waxaan rabaa inaan kusoo gunaanado.Shacabka Xamar ku nool waa dhitooyay waxowna u dhexeeyaa dhimasho,dhaawac iyo barakac waxey naqdeen kuwo u dhexeeyo kal iyo mooy oo xabbad kii ka fakado dhif iyo qalil yahay,waxaan Dhinacyada ku dagaalamaayo Xamar u soo jeedilahaa dadka yaan la dhameyn oo hadhow dad laxukuma laweyn kolba waxa aad u dagaalameysiin waa inaad wax xukutiine Dowladdu marwalba waxeysheegtaa iney dadka shacabka u daneyheyso taasoo ah tii dowlo laga rabay hase ahaatee hadda ma muuqato waxaana u soo jeedilahaay iney shacabka daafacdo dagaalka aan dhamaaneyna soo dabarjarto sida ey marwalba sheegato ama meesha isaga takto si loo badbaadiyo shacabka inta hertay sidoo kale waxaan ururada dowladda ka soo horjeedo iyaga ka codsanlahaay iney dagaal soo afjaraan oo dowladda meesha ka eryaan hadey awoodeeda leeyihiin dhibaatada shacbiga soo gaareyso u dhamaato wabilaahi tow fiiq
Waxaa qoray AM (wadani) wadaniyan@hotmail.com
|