![]() |
|
![]() |
![]() |
![]() |
|
|
BBC Somali |
|
|||||||||||||||||||
|
Somali links
|
Waa Maxamed Maxamuud Geeddow oo idin leh kusoo dhawaada saytka degmada Cadale. Saytkaan Cadale.com waxaan ugu talagalay dhamaan reer Cadale inaan ku matalo shabakada internet-ka oo ah meel lagu kobcin karo jiritaanka iyo taariikhda degmada Cadale iyo dadka dego. Waxaan soo dhaway haa dhamaan reer Cadale wixii talo, tusaale, sixitaan inay isoo gudbin karaan. Waxaan kaloo ka codsanayaa in haddii ay jiraan dad haayo taariikho ama maclumaad, ama masawiro ay isoo gudbiyaan, anigana waxaan balanqaadayaa inaan soo gelin doono saytka Cadale.com. Haddii aad la kulanto aqbaaro, ama macluumaad kale oo quseeyo Cadale, fadlan isoo gudbiya si aan ugu gudbiyo dhamaan dadka ay qusayso. Halkaan nagala soo xiriir. ama info@cadale.com
Magaceyga waa Maxamad Maxamuud Caddaawekuna magacdheer "Geeddow" waxaan ku dhashay magaalada Xamar 1945, degmada Wardhiigley .Waxbarashadeyda waxaan kabilaabay dugsi quraan oo ku yiilay degmada Boondheere macalikeygana waxow ahaay Xaaji Cumar Indhaguduud (Alha u naxariitee). Intaas kabacdi waxaan bilaabay waxbarashadii dugsiyada kale waxaana dugsiga hoose ee Wardhiigley bilaaba 1956 waxaana dugsiga hoose ka dhigtay Wardhiigley, Boondheere iyo Xamar- Jajab oon dugsiga hoose ugabaxay sannad dugsiyeedkii 1960-61 waxaana sanadkii ku xigay galay dugsigii dhexe oo loo yiqiin(scuola commerciale) oon usugana ka baxay sanad dugsiyeedkii 1963-64,anigoo qaatay shahaadadii dugsiga dhexe,isla sanadkii ku xigay waxaan bilaabay dugsiga sare ee xisaabaadka loona yiqiin(Istituto tecnico per ragioneri, tipo Italiano) oo ku yiilay isbitaalka Digfer aktiisa waxaana dugsigaas ka qalin jebiyay sanaddugsiyeedkii 1967-68. waxaa kale oon dhigtay muddo labo sano ah Jaamacadii Ummadda qeybta dhaqaalaha. waxaa shaqaalaha dowladda leyqoray si kuleemgaar ah Oktoobar 1968. Waxaana ruqseystay bishii Luulyo 1986 waxaana ka soo
shaqeeyay meelo kala gidisan shaqadii ii gu horeysay waxaan ka bilaabay
xafiiskii ra'iisu wasaaraha u qaabisanaa arrimaha shaqaalaha (dirizione
generali del personale), meeshaas oo ka ahaay shaqaale caadi ah. Waxaa
bilawkii 1969kii leybedelay wasaaradda xannaanada xoolaha,oon kanaqday
madaxa xisaabka,tasson weday ilaa bishii Setember 1973 markaasoon muddo
sanad ah waxbarasho dhinaca siyaasadda ah u aaday wadakii Midowga
Sofiyeeti Meeshaasoon wax ku bartay Dusigii Sare ee Comsomoolka.kedib
markii aan soo naqday waxaan waxaa leymagacaabay maamulaha xisaabaadka
ee Dugsiga Xannaanada Xoolaha oo ahaay Masharuuc ey iskakaashahaayeen
Jamciyadda Qurumaha iyo Dowladda Soomaaliya kaasoon ka shaqeyhaayay ilaa
bishii Juunyo1977 markaasoo leysoo bedelay Xiriirka Guud ee ururada
shaqaalaha soomaalia, oon kanaqday Guddoomiye ku xigeenka Ururka
Shaqaalaha Beeraha,Xoolaha iyo Macdenta waxaana isla sanadkaas ley
magacaabay Guddoomiyaha Ururkaas waxaana ka shaqeyhaayay ilaa bishii
Luulyo 1979kii markaasoo ley bedelay Wakaaladda Horuumarinta Xoolaha oo loyiqiin (L.D.A.) oon ka ahaay agaasimaha waaxda maaulka iyo lacagta taasoon ka shaqeyhaayay ilaa bishii Juunyo 1982 markaasoo Wakaaladda la baabi`iyay. Kedib waxaa ley magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wakaaladda Keenidda , Soosaaridda iyo Dhoofinta daawooyinka oo looyiqiin(ASPIMA) waxaana iyadana ka shaqeyhaayay ilaa bishii Juunyo 1986 markaasoon shaqo ka tegid dalbay leygana ogolaaday .Wixii intaas kadambeeyay waxaan iska ahaay ganacsade jeeble ah, waxaana badanaa imaanjiray wadanka talyaaniga oon wax ka qaadi jiray. Muddadii u dhaxeysay 1969 ilaa 1981 Waxaan kamid ahay Garsoorayaashii kubbadda cagta ee wadankeena. Waxaan ahay nin xaas iyo ilmo leh haddana ku nool wadanka Nederland, magaalada Breda.
|
|
||||||||||||||||||
Cadale online - All rights reserved
|
You're visitor number |
|