|
SHIR
AY ISUGU YIMAADEEN BEESHA CELI CUMAR EE DALKA SWEDAN
Shir ay isugu yimaadeen beesha Celi cumar ee beel weynta Mudulood ee ku nool
dalka Swedan ayaa waxaa ay shir isugu yimaadeen magaalada Katarinaholm ee
gobolka Sörmland ee dalka Swedan. Ayadoo shirkaas lagu soo qaaday qorsho yaal
kala duwan. Ugu horeen waxaa shirka muhimadiisa la saaray sidii ay beesha Celi
Cumar ee dalka Swdan ay u yelan leheyd hogaamiye iyo maamul guud ee Beesha Celi
Cumar dalka Swedan. Shirkaan oo ay ka soo qeeb galayaasha ay ka ka la yimaadeen
magaalooyin kala duwan sida Göteborg, Eskilstuna, mjölby, Örebro iyo magaalda
Linköping iyo qaar kale oo qadka telfonka kala soo xiriiray inta uu oo shirka
socday kaga qeebka galay dhinaca qadka. Shirkaas oo lagu soo doortay
gudoomiyihii hogaamin lahaa besha Celi Cumar ee dalka Swedan intaa kadib ayaa
waxaa dhacday doorasho oo codbixin. Codbixinta ayaa waxaa loo codeeyay si cod
qarsoodi ah oo ay kawada qeeb galeen ka qeeb gala yaasha waxaa jagada gudoomiye
nimada ku tar tamayay 7- musharax codbixin kadib waxaa cod aqlabiyad ah ku
guuleestay in uu noqdo gudoomiyaha beesha Celi Cumar ee dalka Swedan mudane
Xasan Raage Cabdi mudo sanad ah in uu sii haayo xilkaasi. Isla shirkaasi ayaa
waxaa lagu doortay gudiga fulinta ee beesha
SHIR AY
ISUGU YIMAADEEN BEESHA C
1) XASAN
RAAGE CABDI GUDOOMIYE.
2) ENG. MAX,UUD XUSEEN MOGE GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD ISLA MARKAASINAH AH
XIRIIRIYAHA DIBADA.
3) BAARLIIN MAX,UUD CADAAWE GUDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD AHANAH ARIMAHA HAWEENKA.
4)Dr CALI AXMED HIRAABE XOGEEYAHA GUUD EE BEESHA CELI CUMAR GUDAHA IYO DIBADA
DALKA SWDAN.
5) MUXUDIIN XASAN (BLACK) GUDOOMIYE KU XIGEENKA SEDAXAAD EE ARIMAHA DHALIN
YARADA.
6)C/RAXMAN M NUR AFHAYEENKA BEESHA CELI CUMAR EE DALKA SWEDAN.
7) SAFIYO MA,UD JIMCAALE KOOGAAR. QASNAJI BEESHA CELI CUMAR EE DALKA SWEDAN.
Dhamaan gudigaas ayaa waxaa ay qabad doonaan howlo aad u culus aadna u fara
badan. Shirka inta uu socday ayaa waxaa kasoo baxay howalaha ay qaban doonaan
gudiga cusub ee beesha CELI CUMAR qodobadaas oo ay ka mid yihiin.
Nuur Baarbe (gaceeyte) iyo
Mustaf hassan.
In la
adkeeyo xiriirka b.c.c dalka iyo dibada
*In la seemeeyo dhaqaale ay beesha leedahay
*In la mideeyo afkaarta beesha
*In la helo gudi matala beesha meel walba ay joogto
*In taageero iyo taakuleen lasiiyo dadka tabaaleysan ee gudaha dalka jooga oo
aysan jirin cid u maqan
Iyo qodobo aad u farabadan oo halkaan lagu soo koobi karin. Waxaa shirkaasi ka
hadlay SHIIKH C/RAXMAAN SH.MUXUYADIIN CELI oo ku dheeraday muhimada ay leedahay
isku imaatinka sidaani oo kale ah asoogo hadalo qiiro galiyay iyo qashuuc ka soo
jeediay shirka dhamaan kasoo qeeb gala yaasha sagoo u sheegay in ay haayaan xil
aad u culus illahna uga baryay in uu xilakaasi la garab galo mar uu la hadlaayay
gudiga cusub ee beesha Shiikha oo ka yimid Göteborg oo ah magaalo madaxda labaad
ee dalka Swedan. Waxaa kale oo ka hadlay Shiikh Cali Buubaal, Shiikh Ibraahim
Cali Xasan. Waxaa sidoo kale ka hadlay Axmed Macalin Yuusuf ayaa waxaa uu
sheegay in ay muuhiim tahay in la helo hogaan mideysan iyo wax qabad mideysan ay
beeshu leedahay waxna u qabta dad kooda tabaaleysan meel kasto ay joogaan Axmed
Macalin yuusuf oo uga imaaday shirka magaalada Eskilstuna ee dalka Swedan.
Dr Ahmedeey
anyax iyo Hassan Suboow.
C/qaadir
Cali Ganey oo ka yimid magaalada Mjölby.C/llahi Baarbe ayaa aad iyo aad u
amaanay sida qiimaha leh ay beesha isugu xiran tahay lagana doonayo in ay sii
wadaan asagoo shirka uga wakiil ah M/ Örebro. Libaan Malaay ayaa waxaa asagana
uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay imaatinka shirkan noocaan oo
kale ah. Xaajiyo Culimo iyo Raaxo M. Cadaawe ayaa ku booriyay in ay beeshu ay
sii wadaan wax qabad kooda illa ay gaarsiiyaan somali in teeda kale Dr Xaaji
Axmed (AYAX) ayaa sidoo kale ku booriyay in dadaalka uu noqdaa mid joogto ah
kuna sineen maanta oo kaliya Safiyo Koogaar ayaa sheegtay in looga baahan yahay
beesha iyo gudiga in ay wada shaqeen buuxda sameeyaan. Baarliin M Cadaawe ayaa
sheegtay wax qabdkii uu gudigii hore ee ku meel gaarka ay sameeyay mudada uu
xilk hayay oo ay ku nuux nuuxsatay wax qabadkii uu sameeyay dalka iyo dibada
ayadoo ka dalbatay beesha in aysan kudiga kali ah ku fiirsan howsha ay la garab
istaagaan wax qabad iyo wada shaqeen gudiga lasiiyo talo iyo tusaale laguna
fiirsan xilka waxana xilkaasi uu waajib ka saaran yahay dhamaan bessha shaqsi
walba oo ka dhashay beesha Celi Cumar. Ugu danbeentii ayaa waxaa shirka ka
hadlay gudoomiyahaa cusub beesha ka aqbalay xilka ay u doorteen una balan qaaday
in uu si daacad ah ugudan doono xilkaasi culus ay beesha u doorteen muujiyay in
uu wax qabad muuqda keeni doonaan asaga iyo asaxaabtiisa kula jira gudiga ka
codsaday beesha sida ay Baarliin sheegtay in aan lagu fiirsan xilka ee wada
shaqeen le sameeyo. gudoomiyaha wuxuu yiri dhamaan inta joogto gogosha iyo kuwa
aan waqtiga u masabixin
ee Beesha Celi Cumar waxaan leyahay kaligeey wax maqaban karo hadadan idinka ila
shaqeyn waa ku doranay iyo
mahadsantihii kaliya wax tarimeyso waxaan rabaa inaad garbo ii noqotaan hadaan
qaldamo isaxdaan wuxuuna hadalkisa
ku soo gabagabeyay waxaan Beesha Celi Cumar meel kastoo ay joogto gaar ahaan
Sweden kula talinayaa in ay midobaan
Wabilaahi Towfiiq.
Gudoomiyaha
Besha celi(kcc) iyo Sh Abdirahman.
Kabtan Mooge.
Jamaal
Baarbe iyo Hassan Suboow.
|