|
Degmada Cadale
waxey ka mid tahay Degmooyinka ugu taariikhda dheer
Soomaliya . waxeyna ku taalaa xeebta badweynta Hindiya meel Xamar u jirto
boqol iyo kontan kiilometer uguna aadan qorax soobaxa. Degmadaas waxaa
lagu yaqaan markii aad u dhawaato inaad arkeysid geedo dheedheer oo ah
nooca cawbaarka loo yaqaano oo degaankaasu caan ku yahay.
Degmada Cadale waa mid aad ugu fiican dhinaca
dalxiiska waxeyna leedahay xeeb aad u dheer,u quruxbadan isla markaasna
aan wasaqeysneyn waxey leedahay furddo dabiici ah oo arkeysid markii aad
takto jid dheer oo carro ah oo baddaa dhex gelaayo ilaa hal kiilomitir
iyo nus oo haddii aad qaadid baddu reedahaaga socoto, waxey kale oo
leedahay meelo aad waadiyo u qabtid oo badda ka go'an dadkuna ku dabaalo
karaan iyagoon la kulmin wax khatar ah,meeshaas baddu cawadii ey biyaha
ku shubtaa maalintiina waa ka naqataa sidaas
daraadeed maalinwalbo biyo cusub aa meesha soo galo.
Degmada Cadale qarniyadii lasoo dhaafay waxey ka mid
eheed furdooyinka ey dadka Soomaalida ah wax uga soo degijireen kuwaas
oo kakala imaajiray wadamada Carabta iyo kuwa Afrikada Bari, waxaana
laga rarijiray waxyaalaha ey wadamadaas u baahanyihiin sida xoolaha
malaayga iwm.Badda Cadale waxaa laga helaa noocyo badan oo malaay ah oo
weliba si dhibyar aad ku soo dabo kartid.dhica berriga geed gaab waxaana
soomaalidu u taqaanaa deex. Waxaad meeshaas ku arkeysaa meel xoogaa
tilaabo ah u jirto xeebta iney joogaan xoola duurta dadku ugaarsaso oo
noocyo badan leh. Dadka deegaankaas ku dhaqan waxey kala yihiin xoolo
dhaqato iyo malaay gadato. Xoolaha ey dadkaasu dhaqdaan waxey isugu
jiraan: Geel, Lo' iyo Iri, Iriga oo u kala baxo Iricad iyo Ido, waxowna
degaankaasu caan ku yahay dhaqashada Idaha oo markii qof marti ah ow
tago lagu martiqaado wan jar ah taasoo micnaheedu tahay wan aad u
cayilan, dhinaca kale waxey Soomaalidu ku maahmaahdaa "lax iyo
laxaw meel islama galaan" laxdaas aad maqashay waa midda ku dhaqan
deegaankaa ee daaqdo cowska gumxirka loo yaqaano ee degmadaas iyo
ruumanka ku yaalo ey caanka ku yihiin.Dhinaca kale gumeysigii talyaaniga
waxow qabsashadii degmadaas kala kulmay halgan dheer oo dadkii
degaankaasu lagaleen, makii dambe oo ow qabsadayna waxow u bixiyay
magaca ah Italo oo ow kaweday Itaaliyadii yareed taasoo ku timid markii
ow layaabay quruxda degmadaas.Kedib xurnimadii degmadaasu wexey kamid
naqatay degmooyinkii la ilaabay ahmiyadii eylahaayeen
Wakhtigii xukunkii M.Siyaad
waxey kamid naqatay Degmooyinkii loogu talagalay in ladejiyo dadkii ku
ceyroobay abaartii daba dheer ee gobolada dhexe qabsatay sannadkii 1975.
Waxaana
meeshaas cadale ladejiyay qoysas asalkoodi hore ahaa xoolo dhaqato oo ku
tabaaloobay abaartii loona jiheeyey inay kaluumeysato noqdaan. Waxaan xasuustaa in mar aan
kamid ahaay wafdi kormeer ahaay oo kasocday xisbiga iyo ururada bulshada
ee degaankaas loo diray si ey u soo hubiyaan howlaha kaluumeysatada aa
waxaa qado sharaf noo suubiyay guddigii dan wadaagta oo wxaaa meeshaas
lakeenay hilib aad u badan oo ido kali ah, markaasaa madaxii wafdiga
yiray martiqaadka waxaan u maleyheynay in ow malaay naqdee maxey tahay
cadiintaan, waxaa u jawaabay madaxii danwadaagta oo dhahay "waa ku
fiicneed hase ahaatee waxaa najiitay dhaqanka dadka deegaanka oo ah in
qokii Cadale lagu marti qaado oon ido cadiintood la siin ow lamid yahay
qof aad lamartiqaadin.
Kedib
xirmadii furdada Xamar Cadale wexey ku soo naqatay furdo ahaanteedii
waxaana kasoo degijiray badeecooyinka ka kakala yimaado wadamada
Carabta, Jabuuti, Afrikada Bari iyo kuwa kaleba, waxaana laga dirijiray
waxyaalaha banaanka loo diraayay sida malaayga,xoolaha iwm.Cadale waa
degaan aad ahmiyad uguleh dhinaca dhaqaalaha, bulshada.Waxaan ka
cudurdaarahaa inaan hadda heyn masawir Cadale ah laakin aan rajeyhaayo
inaan helo markaasna aan dadka u soo gudbidoono. Waa mahadsantihiin.
Taariikhdaan waxaa
laga soo miguuriyay Qaran press
Halkee Ka Yimid Magaca Cadale…?
Cadale waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxay ku
taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waxayna Muqdisho dhinaca Waqooyi uga
beegan tahay ilaa 180Km.
Cadale waxay ka mid tahay degmooyinka caanka ka ah Xeebaha Soomaaliya,
waxayna aas aasantay xilli hore oo aan si sax ah taariikhdeeda loo hayn.
Magaca ay leedahay degmadani ee Cadale wuxuu iska saaran yahay labo
eray oo gaagaaban, iyadoo midka hore yahay “Caday” iyo “Leh”, waxaana
loo jeedaa goob Caday leh oo ay ka buuxaan geedaha lagu rumeysto.
Cadale ka hor intii aan la aasaasin waxay ahayd goob ay ku yaalaan
teendhooyin yar yar oo ay leeyihiin dadka Kalluumeysato ah oo ka
shaqeysan jiray Xeebaha ku dhow dhow degmada Cadale.
Cadale waxay caasimad u ahaan jirtay dadka ku nool deegaanada ku dhow
dhow maadaama ay ahayd magaalo weyn tan iyaga ugu dhow.
Sanadkii 1307 ee Hijriyada ayaa waxaa deegaanadaas ciidamadii Talyaaniga
ee gumeystaha kula dagaalamay dadka deegaanka, inkastoo haddana jabhad
halkaas laga aas aasay oo ka horjeedday Talyaaniga aysan muddo dheer
shaqeyn oo ay mar dambe burburtay.
Degmada Cadale waxay horey u ahaan jirtay magaalo ay deggan yihiin
waddaado fara badan, iyadoo ka mid ah magaalooyinkii ugu masaajidyada
badnaa xilliyadii hore.
Dadka deegaankaasi deganaan jiray waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed
Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), wuxuuna Sheekhaasi ahaa
wadaad aad uga soo horjeeday imaanshihii Talyaaniga ee dalka Soomaaliya,
wuxuuna isku dayey in uu si awood ah uga hortago gumeystihii Talyaaniga.
Sheekh Axmed Wacdiyow oo reer Cadale ahaa waxaa jira Gabayo fara
badan oo uu ka tiriyey gumeystihii Talyaaniga iyo sida uu uga soo
horjeedday, waxaana ka mid ahaa gabayadiisii:
Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
dalkeena ballaaran u daafacaynaa,
kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
dabeylka mowdku intuu I daadihin,
hilibka duud cunin deebna uu noqon,
duruyadaada dab looma aasee,
kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
kufriga soo dagay diidda leenahay.
kunaqo cadale |